Ganacsade reer Jabuuti ah oo $170,000 ugu Deeqay Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Boore), ayaa guddida heer Qaran ee ka hortagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland ku wareejiyey Deeq Lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $170,000 (Boqol iyo Todobaatan Kun oo Dollar).

Deeqdan lacagtaha ah ee Ganacsadaha reer Jabuuti uu ugu talo-galay in Somaliland wax kaga qabato caabuqa sida xawliga ah u faafaya ee Coronavirus, waxa uu u soo wakiishay oo guddiga guddoonsiiyey Shirkadda Red Sea General Trading oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Somaliland isla markaana dalka keena badeecado Shidaalku ka mid yahay.

Advertisement

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo deeqdaa ka guddoomay maamulka shirkadda Redsea, ayaa sheegay in deeqdaasi ay isugu jirtay $100,000 dollar oo Kaash ah iyo $70,000 dollar oo Raashin ah.

Raashinka Qiimahiisu dhan yahay $70,000 ayaa lagu wareejiyey Komishanka Ka Hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=1Wy9QuQ4Aig&feature=emb_title

Follow us On