Ganacsade Maareeye Cali Xoor-xoor ku bogaadiyey Dib-u-casriyeyn iyo Qaybo cusub oo lagu Kordhinayo Dekedda Berbera

BERBERA (SLpost)- Guuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Dekedda Berbera Ganacsiyada kala duwan kala soo dega, ayaa soo dhaweeyey Dhismaha Deked Cusub oo Koontiinnarada u gaar noqon doonto oo laga hirgelinayo isla Berbera, isla markaana lagu dhisayo qaab iskaa-wax-u-qabso ah.

Dhismaha Dekeddan cusub ee laga dhisayo magaalada Berbera ee ay ku taallo Dekedda ugu wayn Somaliland oo ay wax uga soo degaan Somaliland iyo dalalka Jaarka la ah qaarkood, waxa dhawr iyo tobankii maalmood ee ugu dambeeyey dhismeheeda waday Shaqaalaha, Madaxda iyo Masuuliyiinta Sagaalka Waaxood ee ay ka kooban tahay Dekedda wayn ee Berbera oo si iskaa-wax-u-qabso ah ku fulinaya dhismahaas.

GuuleedGuuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland ee wax kala soo dega Dekedda magaalada Berbera, oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay gudaha Dekedda cusub ee dhismeheeda la bilaabay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hannaanka cusub ee iskaa-wax-u-qabsada ah ee ay Shaqaalaha iyo Madaxda Dekedda Berbera oo iskaashanayaa u fulinayaan dhismaha Dekedda cusub ee labaad ee Berbera. Waxaanu hawshaas ku ammaanay Guuleed Masuuliyiinta Dekedda Berbera iyo weliba Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Dekedda.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay Dhismaha Dekeddan labaad ee Berbera ee sida iskaa-wax-u-qabsada ah ay u dhisayaan Sagaalka Waaxood ee Dekeeda Berbera, oo aan saaka la kulmay Waaxda Faraca Badda oo ku jirta oo Shaqaalihii iyo Raggii Xafiisyada joogay oo ka shaqaynayay ay Gacantooda ku walaaqayeen Qaldaddii Sibidhka ahayd ee dhismaha Dekedda labaad ee Berbera, waana arrin aad loogu farxo oo ay tahay inuu qof kasta oo reer Somaliland ah soo jiidanaysa oo loo baahan yahay in laga wada qayb-qaato.”

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), waxaan leeyahay Caliyoow ha daalin, hawl wayn iyo Shaqo muhiim ah baad waddaa, waana horumar ballaadhan oo qof kasta oo reer Somaliland ahi ku diirsanayo, Allaah ha kula garab-gelo ee dedaalkaaga halkaa ka sii wad baan ku leeyahay.”

Nidaamka Iskaa-wax-u-qabsada, ayaa waxa dadka reer Somaliland ugu dambaysay wakhtigii ay Soomaaliya ka midka ahayd, isla markaana ay talada haysay dawladdii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey, markaas oo ay Hanti badan oo Qaran ku hirgelisay iskaa-wax-u-qabso iyo nidaamka hanti-wadaagga ah. Waxaanay tallaabadani dhiirrigelin u noqonaysaa in Mashaariic badan oo wax ka taraya horumarka dadka iyo dalka Somaliland lagu hirgelin karo nidaamkan iskaa-wax-u-qabsada oo dawlad iyo Shicib-ba loo siman yahay.

Inkasta oo ay Bulshada Somaliland dawladda tabarucaad dhaqaale kagala qayb-qaataan Mashaariicda horumarineed ee dalka laga hirgeliyo oo ay qaarkood bixiyaan lacagta lagu dhisayo sida waddooyinka toddobaatan boqolkiiba Dhaqaale u dhigma, haddana hannaankan shaqada gacanta laga fulinayo ayaa ah mid dhismaha Somaliland bilaw ku ah hadda.

SOMALILANDPOST.NET