Gacan-ka-hadal iyo Xaalad Cakiran oo hadhaysay Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xaalad cakiran oo gacan-ka-hadal sababtay, ayaa hadhaysay Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib markii ay fadhiga ka soo xaadiri waayeen Aqlabiyadda mudaneyaasha Golaha wakiillada oo dabada ka riixayey mooshin lagu meel-marinayo xeerka furista ururrada siyaasdda.

Fadhiga ayaa balansanaa in wax la iska waydiiyo mooshin ay shalay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo in dood la galiyo xeerka furista ururrada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dib ugu celiyey golaha.

Saacado kadib ayuu furmay goluhu, waxana Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilladu u akhriyey mooshinkii ay xildhibaannadu soo gudbiyeen, iyaga oo sharciyaaqada goluhu sharci-darro ku tilmaamay mooshinkaas.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in golahu xidhan yahay illaa inta ay soo xaadirayaan xildhibaannada dibadda ka joogay fadhiga.

“Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxay saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido. Xildhibaannada jooga waan u mahadnaqayaa, waxaan nudaneyaasha maqanna ku boorrinayaa in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn.” Waxa sidaas yidhi guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sabtida waxa la sugaya miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysaa duullaan lagu soo qaaday hay’adihii qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey xaaladda kala qaybsanaanta ah ee ka dhex jirta golihiisa.

Gacan-kahadalkii Xildhibaannada iyo Gurmadkii Booliska

Qaar ka mid ah xildhibaannada muxaafidka iyo kuwa mucaaradka ayaa isku farasaaray dibadda hoolka fadhiga, taas oo keentay inay xarunta Baarlamaanka tagaan ciidammo tiro badan oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Xildhibaan Maxamed-khadar oo ka tirsan mudaneyaasha Mucaaradka iyo mudane kale ayaa ku dhex-dagaalamay barxadda hore ee hoolka golaha, waxaanay arrintaasi sababtay in ciidamadii qaabilsanaa ammaanka goluhu xakamayn kari waayaan xaaladda, waxaana markii dambe yimi ciidamo Boolis ah oo uu horkacayo taliye Maxamed Xasan Saqadhi (Dabagale) oo markii uu golaha soo galay isla markiiba kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo muddo saacad badhkeed ah ay wada-hadlayeen.

Xildhibaannada Golaha ayaa ka biyo-diiday inay xarunta Baarlamaanka soo galaan Ciidamo Boolis ah waxaanay ka dalbadeen inay ka baxaan Golaha, kaddib markii ay ciidamada  booliska qaarkood tirabada dhowr jeer kor u rideen rasaas ay ku xakamaynayeen xaaladda kaddib markii ay hujuun kala kulmeen mudaneyaal dalbanayey inay ciidamadu ka baxaan Xarunta Golaha.

Dhinaca kale, xildhibaanno isugu jira Muxaafadka iyo kuwo ka soo baxay xisbiyada Mucaaradka oo tiradooda ku sheegay inay yihiin 45 mudane, ayaa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha, waxaanay sheegeen inay taageersan yihiin furista ururrada siyaasadda.

Maaha marki u horeysay ee xaalad noocan oo kale ahi ka dhacdo xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland. Tiraba dhowr jeer oo hore ayay dhacday xaaladdan oo kale oo salka ku haysa muran dhnaca sharciga ah oo u dhexeeya Muxaafadka iyo Mucaaradka.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpos.net

Follow us On