Gabiley oo noqotay Degmadii u horeysay ee Mashaariicdeeda Wax-qabad Si daah-furan loogu tartamayo

Hageysa (SLpost)- Maamulka gobolka iyo ka degmada Gebilay oo ay weheliyaan guddida qandaraasyada qaranka, ayaa maanta daah’furay sagaal mashruuc oo laga fulinayo degmadaas, kaas ooay sheegeen in si siman loogu tartami doono.

Mashaariicdan oo laga hirgelinayo degmada Gebilay isla markaana laga maalgelinayo dakhliga degmada, ayaa kala ahafar xafiis oo loo dhisayo maamul daadejinta xaafadaha degmada, dhismaha hoolka shirarka ee dawladda hoose, dhismaha dugsiga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo mashaariic kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda lagu daah-furay mashaariicda oo ku qabsoontay xarunta maamulka degmada hadal ka jeediyey maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, waxaana uu sheegay in dawladda hoose ee degmada Gebilay ay noqotay meeshii ugu horreysay ee degmooyinka dalka si daahfuran u shaacisa in mashaariicdeeda loo soo tartamo, isagoo xusay in maanta ay shaacinayaan lix mashruuc oo laga fulinayo gobolka Gebilay oo si daahfuran ay ugu soo tartamayaan shirkadaha ku lug leh mashaariicdaasi.

Advertisement

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Muuse Faarax Jaambiir oo ku hadlaayay magaca guddida qandaraasyada qaranka, waxaana uu sheegay in hay’adda guddida qandaraasyada qaranku ay xafiisyo ka furan doonto gobollada iyo degmooyinka dalka. Isagoo xusay in degmada Gebilay ay noqotay degmadii ugu horreysay ee la soo xidhiidha guddida qandaraasyada ee heer qaran.

Badhosaabka gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si caddaalad ah loogu soo tar tami doono mashaariicdaasi oo ay marag ka noqon doonto guddida qandaraasyada qaranka oo ugu xil saaran qaranka arrimahaasi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On