GABILEY: Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Munaasibad loo Qabtay Qalin-jabinta Midhihii u horreyey ee Ka Aflaxa Jaamacadda Timo-cadde

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuu d(Siilaanyo) ayaa saaka u socdaalay gobolka Gabiley socdalkaas oo u jeedadiisu ahayd inuu madaxweynuhu ka qayb galo Jaamacada Timacade ee Gabiley oo ay ka qalinjebiyeen dufcadii u horaysay ee ka baxda jaamacadaas.

Hadaba intii uu madaxweynuhu ku sii jeeday Gabiley waxa uu jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley kala kulmay kumanaan dadweyne ah oo igu soo baxay wadooyinka isaga oo madaxweynuhu soo dhawayntaasi ka dib ku hakaday kana Khudbadeeyey Dooxa weyn ee Arabsiyo kaasi oo ay kumanaan reer Arabsiyo ahi ay buux dhaafiyeen barxada dooxa iyo darbiyadiisa.

qalinjabinMadaxweynuhu waxa uu uga sii gudbay gobolka Gabley oo isagana madaxweynuhu intaan la gaadhin gudaha magaalada uu jidka u dhexeeya Arabsiyo iyo Gabiley ay ku soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee ku dhaqan Gabiley.

Intaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu lug ku dhex maray jidka weyn ee gabiley isaga oo farxada iyo soo dhawaynta aan xadidnayn la qaadanaayey shacbiga qiimaha badan ee u muujiyey madaxweynaha iyo weftigiisa isu soo baxan ayaa ahaa mid Baaxad leh.
lugtaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u sii dhaafay dhinaca Jaamacada Timcade halkaas oo uu madaxweynuhu la qaybsaday farxada qalinjebinta isaga oo madaxweynuhu la hadlay ardaydaasi iyo masuuliyiintii, waalidiintii iyo ka soo qaybgalayaashii madasha isugu yimid.

Madaxweynuhu wax auu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka galay jaamacada iyo Faculty yadii ay ka tirsanaayeen Ardayda ka qalinjebisay maanta jaamacadan Timcade oo dhamayd 103 Arday.
Ugu danbaymn madaxweynuhu waxa uu u soo kicitimay Guri Casri ah oo ay Gobolka Gabiley ugu tallo galeen in uu ahaado Guriga Martida ee Gobolka Gabiley kaas oo laga dhisay koonaha magaalada gurigan oo ka kooban 4 Guri oo loogu tallo galay martida qaybeheeda kala duwan iyo Guri kale oo weyn oo ku sii dhexyaal guryahaaso oo loogu talo galay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu ku soo dego.

SOMALILANDPOST.NET