FILSAN AXMED: Haweenaydii u horeysay ee Soomaali ah oo Wasiir ka Noqotay Dowladda Federaalka Itoobiya

 

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Federaalka ee Itoobiya ayaa Markii ugu horreysay lagu soo daray gabadh Soomaali ah oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta.

Raysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilkaas u magacaabay Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah guddoomiyaha telefishanka NabadTV oo xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida.

Wasiir Filsan ayaa in muddo ah ahayd qof u dooda xuquuqda haweenka iyo Carruurta, waxaanay muddadii ay hawlahan ku jirtay aasaastay telefishin u ololeeya nabadda oo lagu magacaabo Nabad TV.

“Waa guul Soomaalida usoo hooyatay, in gabadh Soomaaliyeed wasiir loo magacaabo, tan labaad, muddooyinkii ugu dambeeyayba waxaan aad uga hawgalay Telefishenka Nabad TV, oo in badan waxaan u istaagay xuquuqda haweenka deegaanka”, Sidaas waxa tidhi Filsan oo u warrantay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Filsan oo ka hadlaysay sababta ay ugu dhiirratay inay u dooddo xuquuqda haweenka, ayaa tidhi, “Si gaar ah waxaan ugu istaagay haweenka deegaanka, oo aan ka dhex muuqanin xisbiga cusub ee loo dhisay deegaanka Soomaalida, sidoo kalena waxaan olole ugu jiray sidii loo hagaajin lahaa nolosha carruurta”.

“Waxaan rajeynayaa inaan guulo fiican kasoo hoyo xilkan la ii magacaabay ee Wasiirka Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta, haddii Alle Idmo”, ayey tidhi.

Filsan Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Cusub ee Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta ee dalka Ethiopia

Go’aanka gabadhan Soomaalida ah loogu daray Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa qeyb ka ah isbeddallada uu la yimid Raysal-Wasaare Abiy Axmed tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii 2018-kii.

Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbeddel siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay.

Tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xidhneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta.

 

@BBCSomali