Ficillada Dawladda Hoose Hargeysa Kula Kacdo Bulshada Danyarta Ahi Waa Baro-kicin ee Maaha Badbaado! – Faallo

 

Iyadoo Wakhti xaadirkan ay duruufaha nololeed ee bulshada danyarta ee ku nool caasimada somaliland ee hargeisa ay saameyn ku yeelatay xaalada dhaqdhaqaaq la’aanta ah ee uu sababay xanuunka corona virus ayaa haddana waxaa u dheer burburin iyo baro kicin ay maalin walba kala kulmaan dawlada hoose caasimada,

Danyarta Magaalada kunool ayaa wakhtigan u baahnaa gurmad xaga nolosha iyo quutal daruuri ay ku noolaadaan ah maadaama aaney haysan wax ay cunaan islamarkaana meelihii ay kala soo bixi jireen nolol maalmeed qaarkood la xidhay halka qaar kalena dawlada hoose hargeisa ay marisay cagafta iyagoo burburiyey cooshadihii iyo sandaqadihii ay bulshada dabaqada hoose ku noolaayeen.

 

Maayirka Caasimada Hargeisa ayaa Wakhtigii uu ololaha ku jiray Bulshada kagaga dalbanayey inay codka ku siiyaan danyarta iyo dadka jilicdasan oo uu wax u qaban doono islamarkaana cashuurta laga qaadaa aaney noqon doonin mid iyaga lagu waxyeelooyo ee ay noqon doono mid iyaga wax loogu qabto.

Markaad is barbar dhig ku sameyso Heestii wakhtiga ololaha uu ku galay Doorashada Maayir C.raxmaan maxamuud Caydiid soltelco iyo Ficilada Foosha xun ee wakhtigan ay la kulmayaan Danyartii Caasimada hargeisa ayaa ah laba aad u kala fog oo Qofkasta oo damiir iyo damqasho walaalnimo ku jirto uu diidayo inuu ku dhaqaaqo.

Halkan Hoose Ka Daawo Dhibaatooyinka Ay La Kulmeen Danyarta Magaalada Hargeisa Todobaadkii u Danbeeyey iyagoo la Daalaadhacaya Nolosha Adag.

 

Xigasho: Hadhwadaagnews.com