Faysal Cali Waraabe oo Xukuumadaha Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay Baabiiyeen Hay’adihii Sharciga dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada dalka qabtay, aanay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay Bar-kulanka Clubhouse, ayaa Xukuumadihii kala dambeeyay ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay xagal-daaciyeen horumarkii ay Somaliland ku socotay.

“Intii uu Kulmiye qabtay talada dalka, Somaliland horumarkii laga doonayay may samaynin, waxay ku fashilantay arrimihii dibedda, qabiilkuna wuu xoogaystay, hay’adihii dowladda iyo sharcigiina way baa’biiyeen” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Advertisement

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay oo kale in Xukuumadaha Kulmiye ay xisbiga WADDANI u ogolaadeen in uu Xildhibaano yeesho isagoon doorasho gelin, taas oo uu sharci-daro ku tilmaamay.

Faysal ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadaha xisbiga Kulmiye in ay mar kastaba la heshiiyaan Golaha Wakiillada iyo Guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan.

“Waxa heshiiya fulinta, baarlamanka iyo Guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan taasoo sharci-daro ah”, ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray in marka doorashada isku sidkani dhacdo la furi doono Dastuurka, “Waxaanu wadnaa inaanu Somaliland keeno Gole Baarlamaan oo tayo oo leh oo ku shaqeeya Siyaasadda Xisbiyada, markaynu kaa keeno ayaynu Dastuurka furi doonaa.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On