Faysal Cali Waraabe oo eedaymo u Jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Khamiista maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxa uu eedaymaha uu madaxda dowladda u jeediyey u cuskaday khilaafka ka taagan furista Ururrada siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland oo loo muddeeyey inay qabsoomaan sannadkan.

“Maxamed Kaahin Maah-maahdii uu Ku Maah-maahay Miyaanu Xasuusnayn Markii uu la dagaalamay Xukuumadii uu Wasiirka ka ahaa Ee Cabdiradman Tuur,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Advertisement

Guddoomiyaha oo la hadlayey madaxweyne Biixi, waxa isagoo hajabaya  yidhi, “Muuse Biixi waxaan leeyahay, Markaad kasoo noqoto Maraykan ayaa hadal inoo yaallaa, ama dalka waynu wada yeelan, ama dhiigeennu kala qarsan”.

“Labadan Kornayl Waxay Is tuseen oo ay isku qanciyeen, in Muuse-na Muddo kordhin loo sameeyo, kadibna La sharraxo Maxamed Kaahin,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalladiisa ay ka muuqatay cadho xooggan.

Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda oo sharcigu tilmaamayo in 10-kii sannoba hal mar la furo si ay u soo baxaan saddex Xisbi oo muddadaas tobanka sanno ah ku tartama hoggaanka dalka.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashada Madaxtooyada oo ku muddeysan 13 November 2022-ka ay ka soo horayso furista ururrada siyaasadda oo muddo-xileedkooda tobanka sanno ku eegyahay badhtamaha sannadkan.

Waxa ay ahayd badhtamaha sannadkii 2011-kii markii u dambeysay ee la furo ururrada siyaasadda oo ku tartamay doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2012-kii, iyadoo halkaas ay ka soo baxeen saddexda Xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpot.net

Follow us On