Faysal Cali Waraabe oo Digniin u diray Shacabka Somaliland ee ku Dhaqan Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in aanay wax mudaharaad ah samaynin marka Madaxweynuhu Maraykanka tago.

Faysal ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ee ku nool carriga Maraykanka ay u banaan tahay in ay waydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay u hayaan, laakiin waxa uu ka codsaday in aanay samaynin wax mudaharaad ah oo ay Madaxweynaha kaga soo horjeedaan.

“Anagoo eegayna sharafta iyo karaamada ay leedahay Madaxweynenimadu, inkasta oo Muuse aanu maamuusin haybadda ay leedahay dowladnimada iyo madaxnimadu, farsamadeedii, haybadeedii iyo dhaqan keediina aanu lahayn, haddana maanta wuu fadhiyaa, wixii aad waydiin kartaan maamul xumaantiisa iyo ficil xumaantiisa xaq baad u leedihiin, laakiin mudaharaadka ka daaya,” ayuu yidhi Faysal oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Advertisement

Faysal ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku dhex milmi karaan, dadka Soomaalida ah ee kasoo horjeeda qadiyada madaxbannaanida Somaliland, sidaas darteedna waxa uu u soo jeediyay in ay ka fogaadaan wixii mudaharaad ah. “Yaydaan isku qasmin idinka iyo dadkaa kasoo horjeeda qaranka Somaliland, ee u barooranayaa cadowgii aynu iska xoraynay, taasaan idinka codsanayaa” ayuu yidhi Faysal oo digniin u diray jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On