Faysal Cali Waraabe oo Cagaha la dul-mariyey Madaxweyne Muuse Biixi “Reer Somalilandoow Waa Kaas Muuse…”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay mid uu ku kala kaxaynayo shacabka isagoona tilmamay inuu ka tashanayaan hogaaminta uu dalka ku hogaaminayo oo uu sheegay in ay arrintaasi shirar ka qabanayaan.

Faysal waxa uu sheegay inaanu Muuse dalka ku eegi doonin sidan uu ku wado, isla markaana aanu dib hadal ula wadaagi doonin ee uu ficil samayn doono uu kaga badbaadinayo dalka iyo dadka inuu god ku rido.

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalkan Hoose