Farmaajo Oo Cambaareeyey Heshiiska Somaliland & Ethiopia oo uu noociisa hore Ula galay Abiy Ahmed

President of Somalia
Advertisement

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyey heshiiska iskaashi ee maanta dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo uu ku tilmaamay mid baal-marsan xeerarka caalamiga ah.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu arrintan kaga hadlay Qoraal uu goor-dhawayd ku baahiyey bartiisa Facebook. Mowqifka Farmaajo ee xilligan ayaa ka hor-imanaya aragtidii uu aaminsanaa iyo heshiis hore u dhexmaray Abiy Axmed xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, kaas oo Ethiopia u oggolaanayey inay isticmaasho ama maalgashato dhowr dekedadood oo ku yaalla Soomaaliya.

Halkan waxaan idinku soo gudbinaynaa qoraalka uu Farmaajo Caawa kaga hadlay heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia iyo Muuqaal uu kaga hadlay heshiis uu Abiy Ahmed kula galay inay Ethiopia isticmaasho ama wax ku yeelato Dekedaha Soomaaliya.
Kala duwanaanshiyaha mowqifyada Farmaajo, ayaa muujinaya laba wajiileynta cadaawadda iyo damaca ku dhisan ee Farmaajo iyo xulafadiisu u hayaan Somaliland.

Advertisement

Akhriste, ka dhufo Qoraalka Farmaajo ee caawa iyo Hadalka uu hore u yidhi xilligii uu madaxweynaha ahaa, dabadeed maxaa kuu soo baxay?!!!

+++++++++++++++++++++++++++++++++++

QORAALKA FARMAAJO:

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Advertisement