“Fanaaniinta Abaal nagama dhexeeyo” – fannaan Saalax Carab oo maanta xabsiga laga siidaayay.

 

Hargeysa (SLpost)- Fannaanka da’da yar ee Saalax Carab oo toddobaaddadii u dambeeyey ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay.

Saalax Carab oo ay weheliyaan laba hablood oo fannaaniin ah oo lagu kala magacaabo Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali, ayaa ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen muddo haatan laga joogo Afar toddobaad, kaddib markii ay ka soo laabteen safar ay ku tageen magaalada Muqdisho.

Saddex fannaan ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Haweenayda Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, sida ay muujiyeen sawirro lagu baahiyey baraha bulshada oo ay masuuliyintaas la soo galeen.

Haddaba, Fanaan Saalax Carab oo maanta markii la soo daayey saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaanu jirin abaal ka dhexeeya fannaaniinta reer Hargeysa oo hadalkiisu u muuqday mid ka tarjumaya inaanay ka hawl-galin ama wax dareen ah ka muujin xadhiggiisa. Balse waxa uu fannaanku u mahad-celiyey cid kasta oo ka qayb-qaadatay dedaallada suurta-galiyey xadhiggiisa.

Fannaan Saalax Carab, waxa uu u mahad-celiyey guddoomiyaha Jaaliyadda Yemen oo ah halka uu ku dhashay, isagoo sidoo kale u mahad-celiyey madaxda dowladda iyo asxaabta mucaaradka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Fannaan Saalax Carab