Fanaanada Nasteexo Indho Iyo DJ Subeer Oo Bandhig-faneed Ay Hargeysa Ku Qaban Lahaayeen Laga Hor-istaagay

Hargeya (SL.Post)  Fanaanada Nasteexo Maxamed Warsame (Nateexo Indho) iyo DJ Subeer, ayaa bandhig faneed ay Hargeysa caawa ku qaban lahaayeen laga hor-istaagay, waxaana wararku sheegayaan in  Ciidamo  Boolis ahi ay hor istageen bandhig faneedkan ay caawa qaban lahaayeen Nasteexo Indho iyo DJ Subeer, kaas oo ka qasoomi lahaa Hotel Crown.

 

 

13494903_1028595847227520_1694864259571682867_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warka ayaa intaas ku daraya  bandhig faneedkaas hor istaageen guddida wanaag farista  iyo xumaan reebista Somaliland,   balse lama garan karo sababta rasmiga ah ee loo hor istaagay bandhig faneedkaasi

 

 

Sidoo kale wararka aanu ka helayno Hotel Crown ayaa waxay ay sheegayan in gabi ahaanba ay Hotelkaasi isku xeereen Ciidamad Boolisku, waxaana sidaasi lagu baajiyey bandhig faneedkaasi caawa ay Fanaanada Nasteexo Indho iyo DJ Subeer ku qaban lahaayeen magaalada Hargeysa

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa