Fanaanad Aamina Cabdilaahi Xirsi Oo Maanta Ku Geeriyootay magaalada Boorama

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ku geeriyooday Fanaanaddii caanka ahayd ee Aamina Cabdilaahi Xirsi oo door-weyn ku lahayd horumarka fanka Soomaalida.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo ku hadlay magaca wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo marxuumaddu ka tirsanayd 10kii sanno ee u dambeeyey, ayaa la filayaa in maalinta Berri aas Qaran loogu sameeyo magaalada Boorama.

Marxuumadda oo ka tirsanaan jirtay Hobolladii Waaberi, ayaa fanka ku soo biirtay dabayaaqadii sannadihii 1960-yadii, ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay horumarkii fanka Soomaalida, waxaanay si weyn uga qayb-qaadatay Riwaayado badan oo caan noqday.

Advertisement

Allah ha u naxariistee Aamiina Cabdilaahi Xirsi ayaa ka soo qayb-qaadatay Riwaayado ay ka mid yihiin Dab Jaceyl Kari Waa, Bidaari Sibiqbay Kugu Gashaa iyo Galbeed Waa la xoreeyey, Wadhaf iyo Shimbiro War Isuma Hayaan iyo Qaar kale, waxaanay caan ka noqotay masraxiyadaha riwaayadaha.

Fanaanad Aamina Cabdilaahi Xirsi, waxa ay inta badan heesaha la qaadi jirtay Axmed Gacayte, Maxamed Axmed Kuluc, Xasan Aadan Samater, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed mooge Liibaan iyo Qaar kale.

Marxuumada ayaa ifka kaga tagtay Lix Carruur ah oo ay u kala Dhashay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays) iyo Allah ha u naxariistee Fannaankii Cabdiraxmaan Dheere.

Marxuumadda ayaa ah Hooyada dhashay Fannaanadda Hodan Cabdiraxmaan Dheere.

Illaahay Naxariistiisa Janno ha ugu Deeqo Aamina Cabdilaahi Xirsi oo maalinta Berri lagu aasi doono magaalada Boorama.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement