Fadeexado Ka soo Ifbaxay Heshiiska Wareejinta Haamaha Oo Shalay La Saxeexay Iyo Magacyadda Shirkadaha Lagu Wareejiyay

Hargeysa (SLpost)- Heshiis Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo ah Keydka keliya ee qaranku leeyahay oo lagu wareejinayo shirkado gaar loo leeyahay ayaa la sheegay in shalay madaxtooyadu qalinka ku duugtay, isla markaana waxa si wayn isu soo taraya dareen diidmo ah oo ka dayrinaya hab maamulka noocaas ah ee lagu wareejinayo hantida qaranka.

Haamaha shidaalkaSiday Ogaal u sheegeen ilo u dhuun daloola madaxtooyada, waxa shalay la saxeexay go’aan la tilmaamay inuu ku dhawaad soddon sano loogu wareejiyay haamaha shidaalka Berbera dhawr shirkadood oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo qaarkood hore shidaalka u keeni jireen qaarna cusub yihiin oo lala aasaasay ama la dhasheen hindisahan wareejinta haamaha. Siday xoggahaasi tibaaxeen shirkadaha lagu wareejiyay haamaha waxa ka mid ah; Red Sea, Hass, Som petrolium, Som Oil, Liibaan Petrolium, Alwaarid Petrolium iyo Waraabe Petrolium.

Wararku waxay intaa ku dareen in shirkadahan baddidooda ay saamiyo ku leeyihiin masuuliyiinta xukuumadda qaarkood iyo qoyska madaxtooyada, qaarna ay gaar u leeyihiin.

Wararku waxay intaa ku dareen, in Dekedda Berbera lafteedana lagu wado in si dhkhso ah loogu wareejiyo dhinacyo la tilmaamay inay ka mid tahay shirkadda Ballore iyo xubno reer Somaliland ahi. Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo kala xaqiijinaya siday wax uga jiraan.

XIGASHO: WARGEYSKA OGAAL