FAALO: WAKHTIGA BALANTA IYO BAARQABYADA KULMIYE 10-NOV-2015 MAXAA LAGA FILAN KARAA?

 

 

Kulmiye Waa Mid kamid ah Saddexda Xisbi qaran ee ka Jira Somaliland, waana xisbiga hadda tallada dalka haya (Xisbiga Xukumadda), Waxaa Xisbi siyaasadeedkan la Aasaasay May 2002, ujeedadiisuna ay ahayd sidii uu siyaasada Somaliland ugu soo bixi lahaa,  waxa uu kulmiye kaalinta labaad ee doorashooyinka Somaliland galay isla sanadkii 2002, taas oo uu kaga mid noqoday sadexda xisbi qaran ee sharciga Somaliland dhigaayo, taas oo ina tusaysa muddada yare ee Xisbigani ku kasbaday shacabi-weyne gaadhsiiyey in uu soo baxo, isla markaana ay sabab ahayd hogaamiya kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa mid kamid ah ragii ugu cad cadaa halgankii gooni ustaaga madaxbanaanida Somaliland oo ay bulshadu aqoon hoose u lahayeen.

 

Waxay ahayd Dec-2010kii markii kulmiye si buuxda ugu guulaystay doorashadii madaxtinimada Somaliland taas oo uu loolan adag la galay xisbigii talada dalka hayey ee Udub iyo xisbigii labaad ee mucaaradka ahaa ee Ucud, isla markaana ku guulaystay kala badh codadkii la dhiibtay, misana Mujaahid Axmed Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii kulmiye, noqoday Madaxweynihii Somaliland.

 

Marka aan intaas kaga imaado taarikhdaas kooban ee kulmiye ku sameysmay, Isla markaana kaga mid noqoday xisbiyada ugu caansan Somaliland ee taarikhda soomaray.

 

Haddaba dadka siyaasada indho-indheeya waxay khilaafka kulmiye ee hadda jira ku tilmaameen in uu soo ifbaxay 2010kii markii golaha dhexe ee xisbigu soo Xuleen labadii gudoomiye ee xisbiga u tartamaayey oo kala ahaa Muj Muuse Biixi Cabdi Iyo Maxamed Kaahin, oo ilaa wakhtigii goni-isutaaga Somaliland loo diriraayey ka ag dhawaa Muj Axmed siilaanyo.

 

Taas oo bulshadu u aragttay in Damaca kursi doon ka dhex aloosanyahay labada masuul ee kala ah madaxweynaha Axmed silaanyo iyo Muuse biixi oo afeef ka dhiganaaya in Axmed siilaanyo u tartamay madaxtinmada dalka laba jeer oo uu gudoomiye ka ahaa Xisbiga 2003 oo ahayd wakhti uu ku guuldaraystay kulmiye in uu xilka qabto iyo 2010kii oo uu ku guulaystay, Isla markaana Aanu Xaq u lahayn waa Axmed Siilaanyo in aanu Mar sadexaad isku taagin jagada Musharaxinmada kulmiye dhexdiisa, iyo tan dalka ee guudba.

 

Taasina waa mida kulmiye ka dhex abuurtay khilaaf huursan, oo hadda ay bulshadu u aragto in uu soo laba kacleeyey, Wakhtigaas tiroba laba jeer ayey is qabteen gudoomiyaha xisbiga Muuse iyo Madaxweyne siilaanyo oo ku wareejiyey xisbiga is qabsashadaas oo ay sababeen kalmadihii muuse biixi, waxaa xaliyey golaha dhex ee xisbiga iyo xubno kale oo dibada kagayimi sida golaha odayaasha Somaliland oo turxaan bixin u sameeyey.

 

Sanaddan 2015, waxaa mar kale qarxay khilaaf xoogan oo ka dhex jira kulmiye, kaas oo xal loo helilahaa 2010 kii haddii wax laga bedelo dastuurka u yaal xisbiga, Khilaafkani oo ka dhashay markii musharaxiin baddan oo hankoodu yahay in ay u tartamaan gudoomiyonimada xisbiga iyo musharaxa madaxweynonimada 2017 ee dalka in hadda lasii xulo, luguna doorto shirka guud ee golaha dhexe ugu gacanta weynyihiin ee November-2015, khilaafkan oo gaadhay ilaa heer Xubno Masuuliyiin ahi ay kukala irdoobeen, isla markaana xilalkii xukumada kulmiye ka hayeen iskaga huleeleen, laakiin ay dibinta u qaniinayaan wixii dhici lahaa wakhtiga shirka loo qoondeeyey.

 

Khilaafkan laba qarxay ayey sabab uga dhigayaan bulshada Somaliland in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u afduubay Musharaxnimadii iyo Gudoomiyenimadii Xisbiga Muuse Biixi, Oo hadda kahor khilaaf soo kala dhexmaray.

 

Ilaa hadda ma jirto Wax waan-waan ahi, oo ka dhex muuqda Xisbiga, Isla markaana khilaafkani waxa uu sababay in kulmiye u muuqdo laba garab oo kala ah garabka Muuse Biixi Abdi, Madaxweyne Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Saylic iyo gudoomiyaha labaad Maxamed kaahin oo Isku dhinac ah, halka dhinaca kalena uu yahay Sadexda Musharax ee kala ah Maxamed biixi, Xil. Axmed Kijaandheh iyo Cabdi casiis samaale oo garabka ku haya tiro wasiiro ah oo xilka iska casilay dhawaan oo ka tirsan xubnaha dhexe ee Xisbiga kulmiye.

 

Khilaafkani waxa uu sii adkaanayaa mar kasta oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku adkaysto in uu dhinaca kusii haynayo Musharax Muuse Biixi Cabdi, Isla markaana uu kasii fogaanayo dhex-dhexaadnimadii afarta musharax ee loolanka culusi ka dhexeeyo.

 

Hadda Waxay Muddo Aad u koobani ka hadhsanyihiin Wakhtigii Balanta iyo Baarqabyada kulmiye, Haddaba Maxaa laga filan Karaa Kulmiye, 10-Nov-2015? Illahay Khayr haka dhigo, belaayo lama saadsado, laakiin runta iyo xaqiiqda ay bulshadu arkaan ayaa ah haddii intaas xal soo dhakhsada la gaadhi waayo in Madasha Xafladu ka qabsoomaysaa Noqon doonto mid buuq iyo Gacan kahadal ka sababta, Isla markaana calool fayoobaantii xubnaha golaha dhex ku dambayso calool kala go’o, iyo niyad xumaan, Aakhirkana sababi karta laba garab oo isku awood ah oo ku loolama tallada dalka, ilaa aakhirkana khilaafkani ku dambeyn doono Maxkamad iyo dacwado joogto ah, warbaahinta iyo Saxaafadana la isku mariyo haddalo deelqaafyo iyo kala fogaansho dhalin kara; Hala gunaanadka khilaafkani na noqon karo in goobta(Xisbiga kulmiye) lugu kala hayaamo, Isaguna uu maro wadadii Xisbigii kan ka horeeyey, iyo waliba mid ka xun.

 

Gebo-gabadii waxaa jirta Tusmo( Qaacido) khusaysa dhanka dhaqaalaha(Economy) oo tidhaahda “ganacsi kastaa waxa uu maraa shan heer oo waaweyn, oo kala ah, 1. Wakhtiga Aasaaska(starting point), 2. Wakhtiga koritaanka(developing point), 3. Wakhtiga Isku filaanshaha(maturity point), 4. Wakhtiga Hoos u dhaca(declaration point), iyo 5. Wakhtiga Baaba(disappoint), haddaba qodobka afaraad ee sheegaya hoos u dhacu waa xaalada aan is odhan karo runtii kulmiye hadda wuu dhex heehaabayaa, halka tan ugu dambeysaana noqon karto mid uu aakhirka ku dambeeyo.

 

Wa bilaahi tawfiiq.

 

Mr. Hamse Bashe Mohumed-(Hamse Wiyeer)

BBA-accountant

E-mail: Xamse18@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.