Faahfaahinta Xaaladihii u dambeeyey ee Ammaanka Gobolka Sool iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Laascaanood (SLpost)- Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa ka hadlay falal amni-darro oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo noq-noqonayay gobolka Sool iyo gaar ahaan xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolkaas.

 

Gaashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskisa magaalada Laascaanood, waxa uu ka hadlay xaaladdii ug dambeeyey ee amniga magaalada Laascaanood oo habeenkii Jimcuhu soo galay ee todobaadkii hore lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka Asluubta oo ilaa haatan aan la aqoonsan cid ka dambaysay falka lagu khaarajiyey askariga ka tirsan ciidanka Somaliland.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN