Faahfaahinta Kulan uu Maayarka Hargeysa la yeeshay Laamaha ammaanka ee Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa maanta xafiiska kulan ballaadhan kula qaatay saraakiil sarsare oo ka tirsan Laamaha Ammaanka ee Caasimadda Hargeysa.

Maayarka iyo masuuliyiinta Ammaanka ee caasimadda Hargeysa, waxa ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada iyo ammaanka magaalada isla markaana loo abuuri lahaa jewi shacabka loogu dhiirri-gelinayo wada-shaqayn dhow oo xagga dhowrista ammaanka ah oo ay la yeeshaan hay’adaha Nabadgelyada ee magaalada.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose