Faahfaahinta Kulamo muhiim ah oo Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland la qaatay Madaxda Itoobiya

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wefti uu hogaaminayo oo booqasho todobaad qaadatay ku tegay dawlad-deegaanka Gobolka Soomaalida, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawlad-deegaanka Gobolkaas.

Weftiga Wasiirka oo ka koobnaa Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir-u-dawlihii hore ee Wasaarada Macdanta Yuusuf Cismaan Garas oo haatana kamida La-taliyeyaasha sarsare ee Dawladda, Xildhibaan Hanad iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo kamida Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Gudoomiyaha Hay’adda SVO Abdikarim Said Aw Cabdi iyo Xeeldheereyaal dhanka Biyaha ah, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Deegaanka Soomaalida, iyadoo ay ku qaabileen Magaalada Xuduuddeedka Wajaale xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, lataliyeyaasha Madaxweynaha Kilinka 5 aad, Maayarka Tog Wajaale iyo Masuuliyiin kale.

Kulankii Madaxweyne Cagjar iyo Wasiir Koore 

Weftiga ayaa kulan saacado qaatay kula yeesheen xarunta Madaxtooyada Magaalada Jigjiga Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), waxaanay ka wada hadleen iskaashiga labada dal, gaar ahaan Somaliland iyo Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, fududdeynta isku-socodka, is-dhex-galka iyo wada noolaanshiyaha Shucuubta isku isirka, isku-afka iyo dhaqanka ah xudduudaha ku kala nool.

 

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu madaxweynuhu carabka ku dhuftay ee uu kala hadlay weftiga waxa kamida sidii loo xoojin lahaa walaaltinimada labada shacab ee Somaliland iyo Qoomiyada Soomaalida. ” Sidaasi waxa sheegay Wasiirka Horumarinta Biyaha Dawlad-deegaanka Gobolka Soomaalida Baashiir Shaafi Cumar oo ka hadlay Shir jaraa’id oo ay Weftiga Somaliland iyo xubno kamida Golaha Xukuumadda Dawlad-deegaanku ku qabteen Madaxtooyada.

 

Wasiirka Xafiiska horumarinta Maaliyada ee Dawlad-deegaanka Mubashir Dube Raage ayaa isna sheegay in talaabo dhanka horumarka loo qaaday ay bud-dhigeen labada dhinac, isagoo intaasi raaciyey ” Somaliland iyo Dawlad-deegaanku meel ay ku kala tegayaan ma jirto, haddii la is-dilo, haddii laysu xanaaqo iyo haddii la isu dudaba, waxaanu nahay dad walaalo ah, markaa waa inaan is-dugsano oo aanu mar walba isu nimaadno, kolkaa aadbaanu isu soo dhaweynaynaa Dawlad ahaan, Siyaasad ahaan iyo Dhaqan ahaanba.”

 

Mubashir Dube waxa kale oo uu si niyad samaan leh u sheegay “kii ka naxaya iyo kii ku farxayowba, waan soo dhaweynaynaa Wasiirka iyo weftigiisa isagoo metelaya Xukuumadda Somaliland iyo shacbigeeda, kuna eekaan mayno Hargeysa ee waxaanu tegi Boorama, Laascaanood baanu tegi, Burco ayaanu tegi ilaa dalkiina oo dhan, idinkuna waxaan doonaynaa inaad ilaa Qabri-dahar tagtaan oo Nogob tagtaan oo ilaa Goday soo aragtaan.”ayuu isagoo kelmado kaftan ahna raaciyey uu sheegay Wasiir Mubashir, waxaanu balanqaaday inay maamul ahaan ilaalinayaan xidhiidhka labada dal.

 

Wasiirka hogaaminayey Weftiga Somaliland Saleban Yuusuf Cali Koore ayaa isna tilmaamay “sidii Ganacsiga loo xoojin laha, sidii Mashruuca Wadada Berbera looga wada shaqayn lahaa iyo arrimo badan oo kale ayaanu runtii ka wada hadalnay. isfaham balaadhan ayaan ka gaadhnay arrimahaas oo aan isleeyahay labada dal iyo labada xukuumaddoodba wax weyn ayey ku soo kordhin doonaan” ayuu yidhi

 

Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhka labada dhinac furfurmay intii maamulka cusub uu la wareegay hogaanka Gobolka Soomaalida “runtii waxa muuqata in furfurnaan badani bilaabantay wakhtiyadii maamulka cusub ee Dawad-deegaanku dhashay”

 

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “waxa kale oo aan gaadhsiiyey Madaxweynaha Dawlad-deegaanka iyo shacbigaba salaan uu ii soo faray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi”ayuu yidhi Wasiir Koore oo dhinaca kale uga mahad-celiyey Madaxda Dawlad-deegaanka sida ay u soo dhaweeyeen Weftigiisa, una fidiyey marti-qaad ah inay Wefti u soo diraan Somaliland kala qayb-gasha Dabaal-dega Xuska Maalinta dib-ula-soo noqoshada madaxbanaanida ee 18 May, weftigaasoo kamid ahaa wufuud kala duwan oo ka qayb-gashay Xafladihii 18 May oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

 

Kulamo kale oo muhiim ah

Weftiga Wasiirka ayaa dhinaca kale kulan xog-waraysi la qaatay madaxda Jaamacada Jigjiga iyo Ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaasi, waxaanay kala hadleen muhiimada ay leedahay dhaqan-wadaagta iyo doorka waxbarashadu ka qaadato iskaashiga bulshada.

 

Wasiirku waxa uu kulan dardaaran iyo dhiiri-gelin xambaarsan la yeeshay Ardayda Somaliland jaamacadaasi ku jira, waxaanay taasi fure u noqotay inay Ardaydaasi Magaalada Jigjiga ku qabtaan munaasibad lagu xusayo maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May oo aan hore loogu qaban jirin.

 

Wasiirrada Biyaha ee Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Biyaha 

Dhanka kale, Weftiga Wasiirku waxa ay kulan la yeesheen Wasiirka Xafiiska horumarinta Biyaha ee Dawlad-deegaanka oo ay si qoto dheer uga wada hadleen sidii Iskaashi dhanka Biyo-soosaarka ah u yeellan lahaayeen labada dawladdood, iyadoo laga bilaabayo Magaallooyinka ku teedsan Xuduudka iyo deegaamada kale ee reer Guuraaga ah, taasoo ay isfaham ka gaadheen.

 

Waxa kale oo ay Wasiirka iyo xubnaha Weftigu booqdeen xarumaha Kaydka Biyaha ee ay Wasaaraddu maamusho, iyagoo u kuur-geliyey habka loo dhisay iyo waxyaabaha ay kaga duwan yihiin Somaliland.

 

Weftigu waxa ay booqdeen Deegaanka Faafan oo ay mashaariic dhanka biyo-soo-saarka ahi ka socdaan, iyagoo si mug leh uga bogtay habka biyaha deegaanka loo Maamulo, kuna kordhiyey wixii ay khibrad dheer yihiin. “waxaanu ku qanacnay meelaha aanu marnay ee ay mashaariicdu ka socdaan in si hufan looga shaqeeyey, aniguna aanu khibrad ka qaadanay”ayuu yidhi Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore.

 

Labada dhinacba waxay isla qireen in loo baahan yahay iskaashiga laga yeesho wax ka qabashada biyo yaraanta ka dhashay Isbedelka Cimilada, taasoo ah dhibaato labada dhinacba saameynteedu taabato marka Abaaruhu dhacaan iyo asal ahaanba qulqulka reer Guuraaga.

 

Geesta kale, weftigu intii ay joogeen Jigjiga waxa ay booqdeen Xabsiga caanka ah ee Jeel Ogaadeen oo albaabada loo xidhay markii uu isbedelka Maamul ka curtay gobolkaas, waxaana halkaa geeyey masuuliyiinta Dawlad-deegaanka oo uga warbixiyey cibrooyinka ku duuggan xabsigaasi ee taariikhda u galay Qoomiyada Soomaalida ee Dawlad-deegaanka.

 

Weftigu waxa kale oo ay indho-indhayn iyo howlo shaqoba ku tageen Magaallooyin kamida Gobolka Soomaalida oo ay ku soo gabagabeeyeen socdaalkooda,iyadoo xubno ay kamid yihiin Xildhibaan Hanad iyo Ex-wasiir Yusuf Garas booqasho la xidhiidha howlo shaqo ku tageen Magaalada Diridhaba. Waxaana weftigu intii ay joogaan Dawlad-deegaanka ku safrayeen Gaadiidkii ay ka kaxaysteen Somaliland, iyagoo 16 bishana ku soo laabtay Magaalada Hargyesa,

 

Siduu ahaa xidhiidhka Hargeysa iyo Jigjiga ka hor booqashada weftigan?

Inkasta oo aanu jirin khilaaf sidaas ahi, haddana waxa jiray dhacdooyin qaarkood ay dhaceen maalmo ka hor socdaalka Weftiga Wasiirka, kuwaasoo saameyn taban ku keenay wada-shaqaynta nabad-gelyada xuduudka.
Waxa kamid ah arrin ka dhacday Deegaanka Wajaale, taasoo ah Rasaas ay Ciidanka Dawlad-deegaanku sheegeen in laga soo gudbiyey Xuduudka ay la wadaagaan Somaliland oo ay ka qabteen Xadka Wajaale, sheegashadaasi oo ahayd mid aanay xogteeda la wadaagin Masuuliyiinta Somaliland, balse laga faafiyey Warbaahinta Deegaanka Soomaalida, una muuqatay qorshe lagu dacaayadaynayo amniga Somaliland, kana gilgisheen Maamulka Gobolka Gabiley markii ay Warbaahinta kaga war heleen.

 

Waxa kale oo jiray tuur-tuurmooyin afka ah oo ka soo duulay Madaxda Dawlad-deegaanka, kana dhigay Somaliland mandaqad ay kaga iman karaan falal amni-darro, wallow uu taasi raali-gelin ka bixiyey Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Mustafe Cagjar oo laftiisa ka soo yeedhay hadal qaabkaasi u dhignaa,kaddib markii uu Madaxweynaha Somaliland kulan kula yeeshay Magaalada Wajaale.

 

Laakiinse dhacdada labaad ee Rasaasta, ayaa timi muddo saddex bilood ka soo wareegtay raali-gelintii Madaxweyne Cagjar bixiyey, waxaanay ka dhigtay hal-bacaad lagu lisay.

 

Sidaasi darteed, sida ayaa ilo-wareedyo madaxbanaan oo aanu ka helnay kulamadii ay weftiga Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka horumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore la yeesheen Madaxda Dawlad-deegaanku ay tibaaxayeen in qodobada laga wada hadlay ay udub-dhexaad u ahayd arrimahaas soo noqnoqday ee luminaya kalsoonida labada dhinac, laguna dacaayadaynayo amniga Somaliland, wada-hadal kaddibna isfaham ay ka gaadheen Weftiga iyo Madaxda Deegaanku.

 

Arrimaha kale ee dhanka is-dhexgalka labada Bulsho muhiimka u ah ee ay isla soo qaadeen labada dhinac ayaa la sheegay inay kamid yihiin in la kobciyo Ganacsiga iyo Maal-gashiga labada ee dhanka wax-soor-saarka iyo fursadaha banaan.

 

Ugu dambeyn Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xuduud aad u dheer oo ay degen yihiin Qoomiyada Soomaalidu,iyadoo shacbiga xuduuddahaasi ku dhaqani ay yihiin kuwo labada Dal nololshoodu ku tiirsan tahay, gaar ahaana Xoola dhaqata oo xilliyada ay abaaruhu dhacaan labada dal u kala guura si caadi ah.