Faahfaahin Ku Saabsan Xeerka Iskaashiga Maraykanka Iyo Somaliland Oo Madaxweyne Biden Saxeexay

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Bide, ayaa saxeexay horraantii bishan xeerka ogolaanshiyaha difaaca qaranka Mareykanka, kaas oo diiradda saaraya ammaanka qaranka, isaga oo sidoo kale ka hadlaya taageerada Mareykanka ee tababaridda ciidamada dowladda Somaliland.

Xeerka Difaaca Qaranka Maraykanka oo Somaliland qayb ka noqotay, ka dib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku meel-mariyeen, ayaa si gaar ah loogaga hadlay kaalinta Somaliland ku leedahay xeerkaasi iyo meelaha Qorshuhu yahay inay iskaga kaashadaan Somaliland iyo Maraykanku.

Safiirka Somaliland u fadhiya Washington DC, Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA siiyey waraysi arrintaa la xidhiiidha, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xeerkaasi iyo halka Somaliland ka soo gashay, maaddaama oo uu yahay “Xeerka Difaaca Maraykanka”

Ambassador Good, wuxuu sheegay in Somaliland ay xeerkaa door ku yeelatay, ka dib dedaal socday Muddo dheer, kaasi oo uu sii xoojiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo bishii March ee sannadkan dhamaanaya socdaal shaqo ku tagay Washington isla-markaana kulamo midho-dhal ah la yeeshay Guddiyada kala duwan ee labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ee qaabilsan samaynta Xeerka difaaca Qaranka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in xeerkan uu abuurayo in Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan xidhiidh dhinaca difaaca ah, mid diblumaasiyadeed iyo mid dhinaca horumarinta ah, kuwaasi oo faa’iidooyin kala duwan u leh Somaliland.

Danjire Bashiir Goth waxa uu sheegay in xeerkani ku amrayo Wasaaraada Arrimaha Dibedda, Wasaarada Difaaca iyo hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) inay warbixinnno joogto ah u keenaan baarlamaanka Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka dhinaca amaanka, diblomaasiyada iyo horumarka.

Mar la weydiiyey maadama Madaxweynaha Maraykanku saxeexay Xeerka Difaaca, qaabka Somaliland ku soo gashay, waxa uu ku jawaabay,
“Dedaalo balaadhan oo xukuumadu samaysay, sidii booqashii wefdigii Madaxweyne Md. Muuse ku yimi Maraykanka, kulamo muiim ahna la yeeshay goleyaasha sharcidejinta iyo xukuumada ayaa abuuray in xildhibaano labada golle ay curiyaan xeerar xoojinaya iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland.”

Wakiilka Somaliland ayaa sheegay in xeerkani yahay mid labada xisbi ee Maraykanku wada taageereen, iyadoo bisha June ee sannadka Soo Socda Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Wasaarada Difaaca Maraykanka laga sugayo inay Baarlamaanka u soo gudbiyaan warbixinta Somaliland ee xoojinta xidhiidhka difaaca, diblomaasiyada iyo horumarinta.

Mar la weydiiyey Wakiil Good muhiimadda ugu jirta Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Waa guul u soo hoyatay Somaliland wax weyna ka taraysa hiigsigeeda aqoonsi caalami ah oo caalamka ay ka hesho,” sidaas ayuu yidhi Danjire Bashiir Goth.

SOMALILANDPOST

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET