Ex-Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Xil Sare Looga Magacaabay Qaramada Midoobay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa loo magacaabay ergayga Nabadeynta ee waddanka Suudaan, waxaanu hormuud ka yahay Wada-xaajoodyada nabadeed ee dhinacyada Isku haya siyaasadda dalkaas.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa la sheegay in loo magacaabay Ergay ka tirsan hawl-galka Qaramada Midoobay ee dalka Sudan u qaabilsan nabad ku-soo-dabbaalista xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan dalkaas.

Ex Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa qayb ka ah guddiga hoggaaminaysa Hawl-galka Qaramada Midoobay ku taageerayso ilaalinta nabadda xilliga kala-guurka ah ee dowladnimada dalkaas.

Advertisement

Maxamed Biihi Yoonis, ayaa ka soo dhex-muuqday wada-xaajoodyo laysku soo horfadhiisiyey dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Sudan isagoo ay wehelinayaan xubno ka mid ah safaaradaha reer Galbeedka, iyadoo kulamadanimaalmihii ugu dambeeyey ka socdeen caasimadda waddanka Suudaan ee Khartuum.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Ergada kale ee Qaramada Midoobay ayaa kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Suudaan Madaxweynaha Suudaan, iyaga oo sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhinacyada quwadda siyaasiga ah ee dalka Suudaan isku haya si xal nabadeed looga gaadho dhammaanba khilaafyada dalkaasi ka jira.

Ergay Maxamed Biixi Yoonis ayaa hore uga soo shaqeeyey dalka Suudaan iyo dalal kale oo dibadda ah isagoo ahaa ergay sare oo Qaramada Midoobay sidan oo kale ugu soo magacawday dalka Suudaan gaar ahaan markii dhibaatada culusi ka taagnayd Gobolka Daarfuur iyo goobo kale, waxaanu ka tirsanaa xafiiska Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ka hor intii aanu dalka ku soo laaban oo aanu ka mid noqon Golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Maxamed Biihi Yoonis qaybta ka yahay ayaa lagu magacaabaa UNITAMS (United Nations Integrated Transition Assistance Mission in Sudan), kaas oo lagu aasaasay qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka sannadkii 2020, waxaanu hawl-ganka oo Qaramada Midoobay ugu talo-gashay in nidaam dowladeed oo shaqaynaysa lagu gaadhsiiyo dalka Sudan uu socon doonaa ilaa bisha June ee sannadka 2023, iyadoo tiradaba dhawr jeer la cusboonaysa qaraarka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On