Ethiopia: Xoogagga TPLF oo Xabbad-joojin oggolaaday

Mekelle, Capital of Tigray Region

Addis Ababa (SLpost)- Jabhadda TFPL ee dhawaan la wareegtay gacan-ku-haynta magaalada Mekelle, ayaa ogolaatay xabbad-joojin iyo heshiis laga gaadho xurgufta ka taagan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Taliyaha hoggaaminaya xooggaga Tigray Jeneraal Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaadho colaadda ka taagan gobolka Tigray ee u dhaxaysa Milatariga Federaalka Ethiopia iyo Jabhaddiisa.

Mekelle, Capital of Tigray Region

Jeneraal Gebretensae oo u warramay Wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ku guul-darraysatay dagaalka gobolka Tigray, sidaas awgeedna la joogo xilligii ay labada dhinac yeelan lahaayeen wada-xaajood lagu gaadho xabbad-joojin loo dhan yahay.

Advertisement

“Waxaanu isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaadho mushkiladda jirta. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamku ay fahamto xaaladda taagan,” Sidaas ayuu yidhi Jeneraal Gebretensae.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameynaynaa waa in aan arrinta ku wajahno cudud milateri”.

Raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo Isniintii shalay khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka, ayaa sheegay inaan Ciidamadiisa lagaga adkaanin dagaalka Tigray, balse ay Wiiqeen awoodda Milatari ee TPLF.

Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu sheegay in ka-bixitaankii ciidamadiisa ee magaalada Mekelle uu ahaa qorshe tashi badan la geliyey oo wakhti hore la gaadhay.

Jabhadda TPLF ayaa hore ugu gacan-sadhay xabbad-joojin ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa kaddib markii ay Milatariga Federaalku ka baxeen magaalada Mekelle maalmo ka hor intii aanay Jabhaddu la wareegin gacan-ku-haynta caasimadda gobolka Tigray.

Jeneraalka hoggaaminaya xoogagga TPLF, ayaa ku eedeeyey xukuumadda raysalwasaare Abiy inaanay oggolayn in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku baracay gobolka Tigray, balse dowladda ayaa beenisay eedayntaas.

Waxa maalmihii u dambeeyey isa soo tarayey Cadaadisyo caalami ah oo la saaray labada dhinac, kuwaas oo ku baaqaya inay fududeeyaan sidii gargaar bani’aadanimo loo gaadhsiin lahaa boqolaal kun oo ku barakacay gobolka Tigray. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaalad macluul ahi ka jirto inta badan deegaannada gobolka Tigray.

Jabhadda TPLF ayaa Axaddii dorraad sheegtay inaanay aqbalaynin xabbad-joojin ilaa gobolka Tigray laga saarayo ciidamada Eritrea iyo kuwa ismaamulka Amxaarada oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin gudaha ismaamulka Tigray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On