Ethiopia oo Xog Faahfaahsan Ka sheegtay Faa’idooyinka Somaliland Ugu Jira Heshiiska Labada DalEthiopia oo Xog Faahfaahsan Ka sheegtay Faa’idooyinka Somaliland Ugu Jira Heshiiska Labada Dal

Advertisement

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa maanta si faahfaahsan uga hadashay heshiiska is-afgarad ee Isniintii toddobaadkan Magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed.

Heshiiska ayaa Dowladda Ethiopia u oggolaanaya inay hesho marin badeed ay adeegsadaan ciidamadeeda badda oo Somaliland ka kireynayso muddo 50 sanno ah, halka Jamhuuriyadda Somaliland fursad u helayso Aqoonsi rasmiy ah oo ay ka hesho Dowladda Ethiopia.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia, ayaa lagu sheegay in heshiiskani Somaliland u sahlayo inay Ethiopia ka hesho taageero iyo iskaashiga aanay ka heli karin waddan kale isla markaana uu ka jawaabayo rabitaanka Somaliland ku taamaysay muddada dheer.

Advertisement

“Heshiisku wuxuu Somaliland u sahlayaa in ay helaan taageero iyo iskaashiga aanay ka heli karin dal kale, wuxuuna ka jawaabayaa Arrimo ay muddo dheer ku taamayeen,” ayaa lagu sheegay qoraalka dowladda Ethiopia oo u muuqda mid ku qoran luqad dublomaasiyeed maadaama rabitaanka Somaliland muddada dheer ku taamaysay yahay Aqoonsi caalami ah oo ay beesha Caalamka ka hesho.

War-murtiyeedka ka soo baxay Ethiopia oo ka kooban laba Bog, waxa ugu horeyn lagu soo bandhigay inay Dowladda Somaliland ahayd waddan madax-bannaan ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya Sannadkii 1960-kii iyo Dariiqii Somaliland u martay la-soo-noqoshadii madax-bannaanideeda 1991-kii. Sidoo kale, waxa ay Dowladda Ethiopia xusay dariiqa ay Somaliland u soo martay hirgelinta dowladnimo hana-qaadday oo dimuqraadiyad iyo kala-dambayn shari ku dhisan muddada 30-ka sanno ka badan ee ay jirtay.

Somalilandpost Media Inc.

Advertisement