Ethiopia oo Xaalad Deg-deg ah iclaamisay iyo Xoogagga Tigray-ga oo Guulo hor leh gaadhay

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa Salaasada maanta shaaca ka qaadday xaalad deg-deg ah oo dalkaasi geli doono muddo lix bilood ah kaddib markii xoogagga Tigray-gu sheegeen inay la wareegeen deegaamo cusub isla markaana ay ku waajahan yihiin caasimadda Addis Ababa.

Shaacinta warkan ayaa ku soo beegantay laba maalmood kaddib markii uu Raysal-wasaare Abiy Axmed uu Shacabka ugu baaqay inay hubka qaataan oo nafahooda ka difaacaan xoogagga TPLF.

Gelinkii hore ee Salaasada maanta, maamulka magaalada Addis Ababa ayaa shacabka u sheegay inay diiwaangeliyaan hubkooda una diyaar-garoobaan inay difaacaan magaaladooda.

Xaaladda deg-degga ah oo la dhaqan-geliyey isla markii ay xoogagga TPLF sheegteen inay qabsadeen dhowr magaalo isla markaana ay ku wejahan yihiin magaalada Addis Ababa oo masaafo ahaan 380km dhinaca Koonfureed ka xigta Fadhiisimada xoogagga TPLF.

“Waddankaygu wuxuu wejahayaa xaalad khatar ku ah jiritaankiisa, madax-bannaanidii iyo midnimadiisa. Mana awoodno inaanu Khatartan kaga hortagno annagoo u marayna dhaqan-gelinta nidaamyada sharci ee jira,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Ethiopia Gedion Timothewos oo u warramay warbaahinta dowladda.

Waxa uu sheegay in qof kasta oo ku xad-gudba xaaladda deg-degga ah laga qaadi doono tallaabo sharci isla markaana uu waajihi doono 10 sanno ee xabsi ah haddii lagu helo inuu kooxda TPLF u fidiyo taageero dhaqaale, mid agab iyo mid maskaxeedba

Dowladda Ethiopia ayaa xaaladdan deg-degga ah oo kale soo rogtay sannadkii 2018-kii muddo lix bilood ah wakhti yar ka hor intii aanu xukunka dalka la wareegin raysal-wasaare Abiy Axmed. Waxa guud ahaan dalkaas laga dhaqan-galiyey bandoo iyo dhaq-dhaqaaqa dadka oo la xaddiday, waxaanay taasi sababtay in kumanaan qof xabsiga loo taxaabo.

Dhinaca kale, Afar ka mid ah dowlad-goboleedyada 10 Ismaamul ee Dalka Ethiopia ka kooban yahay, ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay la dagaalamaan xoogagga Tigray-ga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee FANA.

Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Reda oo khadka telefonka Satelite-ka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in xoogagga Tigray la wareegeen magaalada Kombolcha iyo Madaarka diyaaradaha, taas oo ku taalla Koonfurta gobolka Amxaarada.

Jabhadda OLA oo xulafo la ah TPLF, aya sheegtay inay qabsadeen magaalada Kemis oo 53km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Kombolcha, waxaana labada magaalo mara jidka laamiga ah ee isku xidha Addis Ababa iyo Djibouti.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo TPLF oo muddo 30 sanno gacanta ku hayay siyaasadda dalka Ethiopia, ka hor intii aanu xukunka laga wareegin Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Kursiga fuulay sannadkii 2018-kii.  Kumanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaanu barakiciyey in ka badan laba Milyan oo guryahooga ka qaxay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net