Ethiopia oo noqotay Dalka 5aad ee ugu badan Kiisaska Cudurka Covid-19 ee Qaaradda Afrika

Addis Ababa, Caasimadda dalka Ethiopia

 

Addis Ababa (SLpost)- Jamhuuriyadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa noqotay dalka Shanaad qaaradda Afrika ee faraha baas ku hayo xannuunka Covid-19, kaddib markii wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi shalay shaacisay kiisaska dad cusub oo laga helay caabuqa CoronaVirus.

Addis Ababa, Caasimadda dalka Ethiopia

Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa sheegtay Jimcihii shalay inay kor u kacday tirada guud ee la xaqiijiyay ee laga helay xannuunka COVID-19, tiradaas oo hadda maraysa 132,881 kiis kadib markii la soo tabiyay warbixiintta 555 kiisas cusub oo la helay.

Tirada Dadka u dhintay Xannuunka COVID-19 ee dalka Ethiopia, ayaa maraysa 2,060 ilaa fiidnimadii Jimcaha ee shalay, ka dib markii la soo sheegay saddex qof oo cusub oo xannuunka u dhintay, sida lagu sheegay warbixin ay wasaaraddu soo saartay shalay.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Xinhua oo warkan baahisay, waxa warbixinta wasaaradda Caafimaadka Ethiopia lagu sheegay in 12,306 qof ay wali la daalaa-dhacayaan xannuunka, kuwaas oo 227 ka mid ah xaaladdooda caafimaad liidato.

Itoobiya oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, ayaa ka mid ah dalalka uu sida xooggan u sameeyey xannuunka COVID-19, waxaana ka horreeya dalalka Koonfur Afrika, Marooko, Tuniisiya iyo Masar.

Dowlada Itoobiya ayaa shacabkeeda ka codsatay in la hirgaliyo talaabooyinka looga hortagayo COVID-19 si loo xakameeyo faafida cudurka.

Dagaallada ka socda gobolka Tigray iyo qulqulatooyin ka jira gobollada dalkaas qaarkood, ayaa sida la sheegay hoos u dhigay wacyigelinta iyo ku-baraarugsanaanta shacabka ee halista xannuunka Covid-19 oo wali si xooggan uga jira caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net