Ethiopia oo ku gacan-saydhay Dhalleecayn Maraykanku ugu jeediyey inay Xasuuq Isir-sifayn ka gaysatay Tigray

 

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa ku gacan-saydhay dhalleecayn Maraykanku ugu jeediyey inay ciidamadeedu xasuuq ba’an ka geysteen gobolka Tigray.

Advertisement

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimah Ethiopia Sabtida maanta, ayay xukuumadda Raysal-wasaare Abiy isaga difaacday eedaymo ku aaddan hawl-gallada Milatarigoodu ka fuliyeen gobolka Tigray oo muddooyinkii u dambeeyey uga imanayey maamulka madaxweyne Joe Biden.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku baaqay in ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ee ku sugan gobolka Tigray lagu beddelo ciidamo ilaalin kara xuquuqda bani’aadamka isla markaana aan ay ka reebban tahay inay xasuuq geystaan.

“Waa eedaymo aan xaqiiqda ku fadhiyin oo meel ka dhac ku ah dowladda Ethiopia,” sidaas waxa lagu war-murtiyeed Sabtida maanta ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Waxa kale oo lagu yidhi, “Intii lagu gudo-jiray iyo intii ka dambaysay hawl-galkii xoojinta Sharciga ee gobolka Tigray, heerka ay doontee ha noqotee, midkoodna looma aqoonsan karo ama fasiran karo inay ahaayeen hawl-gallo cid gaar ah lagu bartilaameedsaday ama si ku-talo-gal ah loogu xasuuqay qoomiyad gaar ah.”

“Dowladda Ethiopia si xooggan ayay uga soo horjeeddaa eedaymahan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Ciidammada Federaalka ee Ethiopia ayaa bishii November adkaaday maamulkii iyo ciidamadii xisbiga TPLF ee gacanta ku hayey gobolka Tigray, kaddib markii dowladdu ku eedaysay in la weeraray saldhig ciidammada Federaalku ku leeyihiin gobolkaas.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, boqolaal kun oo kalena way ku barakaceen, waxaana la soo wariyey inay xaalad bani’aadamnimo oo cunto yaraan iyo daawo la’aan ahi ka jiraan gobolka Tigray oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay in ka badan 5 milyan qof.

Dowladda Ethiopia waxa ay sheegtay inay joogsadeen dagaallada intoodii badnayn, balse waxa ay qirtay inay jiraan dagaallo googoos ah oo ka jira gobolka Tigray.

Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa tiraba dhowr jeer beeniyey inay ciidammo ka socda Eritrea ku sugan yihiin ama ka dagaal-galeen gudaha gobolka Tigray, in kasta oo jiritaanka warkan ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah iyo dibloomaasiyiin ku sugan labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On