Ethiopia Oo Heshiiska Somaliland Ku Darsatay Guulaha Dublomaaisyeed ee Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed

heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, Muse Bihi iyo Abiy Ahmed

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in hindiseyaasha uu soo kordhiyay sannadkii hore ee tirsiga Itoobiya ee guusha u ah dalkiisa uu ka mid yahay heshiiskii isfaham ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi 1dii bishii January 2024.

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ee Xafiiska Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu ikhtiraacay hal abuur cusub oo siyaasadeed oo iskugu jira horumar dalkaas gudihiisa ku wajahan iyo tallaabooyin lagu xoojiyay xidhiidhkooda caalamiga ah.

Waxa xafiiska Raysal-wasaaruhu baahiyay ku dhowaad 70 sawir oo ah, kuwii ugu mudnaa waxqabadka sannadlaha ah ee Raysal-wasaare Abiy Axmed, waxana ka mid ahaa sawirkii ay ku kala saxeexdeen heshiiska is afgarad Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhigayay in Somaliland 20km oo xeebteeda ah ay ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaysato saldhig millatari oo badda ah.

Advertisement

Sidoo kale, wuxuu heshiiskani jidaynayaa in Itoobiya ay noqoto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa dhawaan sheegay in heshiiska isfaham oo dhammaystirkiisu gabogabo yahay ay fulin doonaan.

Follow us On