Ethiopia: Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka oo Bayaan ka soo saaray Muranka Biyaha Webiga Nile-ka

 

Addis Ababa (SLpost)- Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya oo marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaahdo EIASC, ayaa Khamiista maanta bayaan ka soo saaray khilaafka ka taagan Biyaha Webiga Nile-ka oo muranka ugu weyni ka dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar.

Goluhu waxa uu ku baaqay in si nabad ah loo xalliyo arrinta wadaagga Webiga Niilka oo boqolkiiba 80% (Blue Nile) ayay biyihiisu ka taagaan Harada TANA oo ku taalla dalka Ethiopia, kaas oo muranka wadaaggiisu ka dhexeeyo dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo webigu isaga gudbo. Boqolkiiba 20-ka kale ee Biyaha Webiga Niilka (White Nile), ayaa ka taga Harada Victoria ee ku taalla badhtamaha dalalka Kenya, Uganda iyo Brundi.

Muranka u dhexeeya saddexdan dal ayaa salka ku haya Mashruuca dhismaha Biyo Xidheenka Ethiopia ee Grand Renaissance Dam oo ay ku baxayso $5 bilyan oo Doolar.

Bishii February ee la soo dhaafey, wada-hadallo saddex geesood ah oo Maraykanku marti-geliyey oo u dhexeeyey Itoobiya, Masar, iyo Suudaan ayaa la joojiyay kaddib markii Itoobiya ka baxday, eedana u jeedisay waaxda maaliyadda Maraykanka oo ay ku eedaysay inay garab istaagtay Masar halkii ay dhexdhexaadin ka sameyn lahayd.

Xiisadaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Masar ay bilawday olole diblomaasiyeed oo aad u weyn, iyadoo xataa ku hanjabtay inay adeegsanayso awood milatari oo ka dhan ah Itoobiya..

Mufti Hajji Omar Idiris oo ay wehelinayaan culimada kale ee Diinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku yidhaahdeen, “Ethiopia wali may isticmaalin biyaha Webiga Niil, mana aha inay wax-yeelayso markay bilaabaan adeegsiga biyaha.”

Sida ay qortay wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Tukriga, Hajji Omar oo ah nin si weyn looga qaddariyo dalka Itoobiyam ayaa sheegay in dalkiisu aanu u diidi doonin biyaha Suudaan iyo Masar inay la wadaagaan. “Itoobiyaanku waxay isku dayayaan inay u adeegsadaan biyaha Abbay (Blue Nile) si macquul ah,” ayuu yidhi sheekhu.

Dalka Ethiopia oo ah waddan ay ku noolyihiin in ka badan 110 milyan ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa marka laga yimaado dalka Nigeria. Shacabka dalka Ethiopia, ayaa 35% Muslim ah, taas oo ka dhigaysa dalka ugu Muslimiinta badan ee waddamada ka hooseeya Saxaaraha ee Qararadda Afrika.

“Masar waa in aanay ku dhaganaanin mawqifkeeda isticmaalka biyaha Niil oo keliya,” ayuu yidhi. Cumar wuxuu sheegay inay u eg tahay uun hadal heersare ah, oo aan taageerin Shareecada.

“Dadka Itoobiya waxay leeyihiin xuquuq bini aadam, mid diineed, mid sharciyeed iyo mid dabiici ah oo ay kaga faa’iideystaan ​​kuna hormariyaan kheyraadkooda dabiiciga ah ee uu Eebbe siiyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Golaha Muslimiinta ee dalka Ethiopia ee EIASC.

Bayaanka ayaa lagaga codsaday dowladaha Masar iyo Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha diinta, ha noqdaan Muslimiin ama Masiixiyiine, in ay sameeyaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo wada-hadalladii u dhexeeyay saddexda dal si loo helo xal nabadeed oo ku saabsan in si caddaalad ah oo dhinac waliba ku qanacsan yahay loo wadaago Biyaha Webiga Niilka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net