Ethiopia: Dhismeyaal hay’adda NRC ku leedahay gobolka Tigray oo la burburay iyo Qaylo-dhaan laga Diray

 

Addis Ababa (SLpost)- Dhismeyaal ay leedahay hay’adda gargaarka ee NRC, ayaa ka mid ah xarumo dhowr ah oo burbur laxaad leh ka soo gaadhay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Sida lagu ogaaday Sawirro Dayax-gacmeedyo lagu qaaday oo ay heshay hay’adda qaxoontiga laga leeyahay dalka Norway ee NRC, waxa kale oo todobaadyadii u dambeeyey khasaare loo geystay oo la gubay Dugsi waxbarasho iyo Xarun Caafimaad oo ay maamusho hay’adda NRC kuwaas oo ku yaalla xeryaha qaxoontiga ee Hitsaats iyo Shimelba.

Advertisement

“Waanu cambaaraynaynaa burburka axmaqnimada leh ee loo geystay dhismayaasha iyo Xarumaha aanu u samaynay inaanu ugu adeegno dadka baahan,” waxa sidaas yidhi xoghayaha guud ee hay’adda NRC (Norweigian Refugees Council) Jan Egeland, isagoo intaas ku daray inay weerarradan geysteen dabley hubaysan oo dab-qabadsiiyey isla markaana fadhataystay xarumahan, taas oo uu sheegay inay sii murgisay dhibaato horeyba u haysatay malaayiin dad ah oo baahan.

“NRC waxay ugu baaqaysaa dowladda Ethiopia iyo dalalka deeqda bixiya inay baadhitaan ku sameeyaan burburka loo geystay dhismeyaasha iyo Ilihii lagu maamulayey gargaarka oo gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambaysay, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in la xaqiijiyo ilaalinta ammaanka goobaha gargaarka bani’aadamnimo laga wado,” Sidaas ayuu yidhi Egeland.

Xeryaha qaxoontiga ee Hitsaats iyo Shimelba oo ku yaalla Woqooyiga gobolka Tigray, waxa ay hoy u ahaayeen 25,000 qoxoonti u dhashay dalka Eritrea. Ilaa immika lama oga Saamaynta ay dadka qaxoontiga ah ku yeelatay burburka loo geystay xarumaha, haseyeeshee sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, waxa dib-u-dejin loo sameeyey tiro ku dhow 3,000 qof, halka in ka badan 20,000 qaxoonti ah aan wali la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya masiirka dadka qaxoontiga ah iyo waxyeellada soo gaadhay xarumaha gargaarka maadaama aanay hay’adaha gargaarku ka hawl-gali karin goobahaa.

Muddo saddex bilood ah ayaa la joogaa markii uu bilaabmay dagaalka Gobolka Tigray oo gebi ahaanba xannibay in hay’adaha gar-gaarku ka hawl-galaan goobaha miyiga ah iyo xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka tabaalaysan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On