“Ethiopia dhibbane uma noqonayso Culaysyada ka jira gudaha waddama kale” – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Taye-Atske Selassie

“Itoobiya taariikhdeeda meelna kagama jirto inay u hoggaansanto awaamiir iyo go’aamo dibadda kaga yimaadda, laakiin, meesha kama saarayno

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Danjire Taye-Atske Selassie, ayaa baahida dalkiisu u qabo helitaanka marin-badeed oo ay isticmaalaan ku tilmaamay arrin ay ku xidhan tahay xasiloonida iyo Amniga Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Dublomaasigan dhawaan loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u warramay Wargeyska Addis Standard, waxa uu ku dooday in raadinta dekedo Ethiopia hesho tahay Arrin Sharci oo ay xaq u leedahay.

Waxa uu sheegay in Beesha caalamku si fiican uga warqabto damaca Itoobiya ee helitaanka badda kaddib markii ay dowlad ahaan si weyn uga hawl-galeen dhinaca dublumaasiyadda. “Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaanu samaynay hawl-galo dublomaasiyeed oo aanu xaqiiqada ugu gudbinay Caalamka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, waxaanu intaas ku daray, “Itoobiya uma baahna inay isa saarto culaysyo aan loo baahnayn. Sidoo kale, Ethiopia dhibbane uma noqonayso culaysyada ka jira gudaha waddama kale.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Ethiopia diyaarka ugu tahay sii-socoshada wada-xaajoodyadii u dhexeeyey dalka Masar ee khuseeya khilaafka biyaha webiga Niilka.

“Afar wareeg oo wada-hadallo ah ayaanu kula jirnay Masaarida. Waxaanu diyaar u nahay inaan dib u bilowno wada xaajoodka mar alla markay rabaan,” ayuu yidhi Taye-Atske Selassie.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dibadda wuxuu meesha ka saaray inay go’aankooda dowladeed wax ka baddalaa culaysyo dublomaasiyeed oo dibadda kaga yimaadda.

“Itoobiya taariikhdeeda meelna kagama jirto inay u hoggaansanto awaamiir iyo go’aamo dibadda kaga yimaadda, laakiin, meesha kama saarayno inaanu wada-xaajood ka galno xaaladaha qaarkood oo dhinac walba dani ugu jirto,” Sidaas ayuu yidhi Dr Taye-Atske Selassie, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo hadalkiisu u muuqdo luqad dublomaasiyeed oo uu ku difaacayo Heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net