Ergayga Midowga Yurub oo sheegay in Mashaariic Safmarka COVID-19 soo Dedejiyey ka fulinayaan Somaliland, war laga qorayna beeniyey

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)-  Midawga Yurub Nicolas Berlanga, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay qoreen Warbaahinta Somaliland qaarkood kuwaas oo lagu sheegay in Midowga Yurub Somaliland ka qadiyey 27 Milyan oo loogu deeqay Soomaalida.

Danjiraha Midowga Yurub iyo Madaxweynaha Somaliland

Warbaahinta Somaliland ayaa saaka lagu daabacay War ciwaan looga dhigay, “27 Milyan oo Euro oo Midawga Yurub ugu deeqay Soomaalida in laga qadiyay Somaliland iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kaasoo ku baxay qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa iyadoo warkan ay xigteen qaar ka mid ah Website-yada laga helay Somaliland.

Advertisement

Danjire Nicolas Berlanga, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaan isla markaana ay masuuliyiinta Somaliland ka war-qabaan taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub ugu deeqay, kuwaas oo uu ka tilmaamay inay ka mid tahay gargaar caafimaad oo hay’adda WHO ugu deeqday Somaliland.

Qoraal uu Danjire Berlanga ku baahiyey bartiisa Twitter oo uu kaga jawaabay warkan, ayaa u qornaa sidan:-

“Waan ku faraxsanahay inaan ku gacan-saydho xogta warkan. Dawladuhu horeba way u ogayd gargaarka Midawga Yurub ee gaadhay Somaliland oo ay ka mid yihiin Wacyi-gelinta/ macluumaadka ololaha (Coronavirus), qalabka ay bixisay WHO iyo sida suurta-galka ah Taageero Dhaqaale,” Sidaas ayuu Danjiruhu ku sheegay qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka.


Dhinaca kale, Danjire Nicolas Berlanga waxa uu sheegay in saamaynta ka dhalatay Cudurka Covid-19 ee xilligan uu ku dhiirri-gelinayo inay xoojiyaan taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub ku caawiyo Somaliland, isagoo xusay dhismaha mashruuca Bebera Corridor

“COVID-19 wuxuu nagu dhiirigelineysaa sidii aan u dardargelin lahayn kaalmada gobolka ee Waddada Berbera ooo kor u qaadaysa Koboca Dhaqaale ee Ganacsiga gaarka loo leeyahay, kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka dhaqaale ee Berbera ilaa xuduudka ay la leeyihiin Itoobiya iyo Jabuuti,” sidaas ayuu yidhi sheegay danjire Benlanga.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement