Ergadii Dhexdhexaadinta Xisbiyada Somaliland oo Go’aamo Xaasaasi ah soo saaray

 

Hargeysa (SLpost)- Guddi dhex-dhexaadin ah oo muddooyinkii u dambaysay ku dhex-jirtay xal-u-helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada iyo Xukuumadda, ayaa maanta soo saaray qodobbo ay sheegeen inay u arkaan xal u helista khilaafka jira.

Guddiga oo isugu jira culimo-aw-diin, madax-dhaqameed iyo Wax-garad kale oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay ku taliyeen in ugu horeyn la kala diro xubnaha guddiga Cusub ee Doorashooyinka oo ah bud-dhigga muranka siyaasadeed ee caqabadda ku ah doorashooyinka.

Guddigu waxa ay ku taliyeen in la soo celiyo guddigii hore ee Komishanka doorashooyinka iyagoo taas ku sababeeyey waayo-aragnimada ay hawsha Komishanka u leeyihin maadaama aanay xilligan ku habboonayn magacaabista guddi cusub, isla markaana shuruucda dalka la waajiyo sidii loo hirgelin lahaa talo-soo-jeedintooda.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose