Erdogan: Waan ka aarsan doonaa argagaxisada

Turkiga(SLpost)-Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu dagaal ba’an lagali doono argagaxisada kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu 34 qof ku dilay bartamaha caasimadda Ankara.

Waa weerarkii seddaxaad oo noociisa ah oo dalkaasi ka dhaco bilooyinkii dhawaa.

Mr Erdogan waxa uu sheegay in kooxaha aragagaxisada ay bartilmaameedsanayaan goobaha dadka rayidka ah maadama buu yiri, ‘xoogaga amaanka ee Turkiga aya mintidiinta uga adkaadeen dagaalada’.

Masuuliyiinta ayaa tuhunsan in falaagada Kurdiyiinta ay ka dambaysay weerarkan.

Kooxda Daacish ayaa bishii October ee sanadkii la soo dhaafay sheegatay masuuliyadda weerar ay ku dhinteen in kabdan 100 qof.

Turkiga waxa uu qayb ka yahay xulafada caalamiga ah ee la dagalamayso kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga.