Us(Slpost)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu ka carooday hadalka Madaxweyne Obama ee uu ku sheegay in ay sii baaba’ayso xoriyadda saxaafadda ee dalka Turkiga.
Labada masuul ayaa wadahadal gaar ah yeeshay intii uu socday shirkii Nukliyeerka ee todobaadkii hore.
Erdogan ayaa sheegay in mawduuca xoriyadda saxaafadda aysan ka wada hadlin uuna aad uga xumaaday in Obama uu soo hadal qaado mawduucaas isaga oo maqan.
Obama ayaa Jimcihii sheegay in ay dhibaato tahay sida Turkigu uu ula dhaqmayo saxaafadda; arrintaasna uu si toos ah ugala hadlay Madaxweyne Erdogan.