Erdogan oo dalbaday in dib loo qeexo argagixisada

Turkiga(SLpost)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo qeexo argagixisada si loogu daro dadka taageerada u ah falalka noocaa oo kale ah.

Waxa uu sheegay in aanu jirin farqi u dhaxeeya “argagixisada qoriga iyo bambooyinka haysta iyo kuwa jagooyinkooda iyo qalinkooda u isticmaala in ay ku shaqeeyaan danaha argagixisada.”

Mr Erdogan ayaa waxa uu intaa ku daray in qofkaasi uu noqon karo weriye, xildhibaan ama ololeeye.

Waxa uu hadlayay maalin un kaddib weerar bambaano loo adeegsaday oo caasimadda Turkiga ee Ankara ku dilay 37 qof, tiro 100 ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Ma ay jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hasayeeshee Ra’iisul Wasaare, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in caddeyn loo hayo in kooxda la mamnuucay ee gooni u goosadka ee PKK ay ka dambeysay weerrarka.

Isniintii, ayuu Turkigu waxa uu duqeymo cirka ah ku qaaday fallaagada Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.