England: Wararkii u dambeeyey Meydad Tiro badan laga helay Gaadhi Xamuul ah

 

London (SLpost)- Magaalada Essex ee ku taala Koonfurta Galbeed ee dalka Ingiriska, waxaa laga helay gaadhi Xamuul ah oo ay saaran yihiin Meeydadka 39 qof.

Darawalka baabuurka xamuulka waday oo 25 jir ah ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Woqooyiga Ireland, waxaana loo taxaabay xabsiga iyadoo loo haysto inuu geystay fal-dambiyeed dil ah.

Booliska degaanka Essex waxay sheegeen inuu baabuurka xamuulka ah kasoo shiraaqday dalka Bulgaria, dalka Ingiriiskana uu soo galay Sabtidii todobaadkan. Booliska ayaa haatan baadhaya sidii loo aqoonsan lahaa meydadka, waxaana la xidhay waddada lagu qabtay baabuurka.

Ma jirin hal qof oo ka badbaaday dadkii gaadhiga xamuulka ah saarnaa kuwaasi oo la sheegay in 38 qof ay ahaayeen dad qaan-gaadh ah halka qofka kalana uu ahaa ilma yar.

Ku xigeenka shirkadda Pippa Mills oo gaadhigu u socday ayaa sheegtay in muhiimadda koobaad ay siinayaan sidii loo aqoonsan lahaa dadka dhintay oo dhammaantood loo malaynayo inay yihiin muhaajiriin shaqo doon ah ka yimi dalka Bariga Yurub ku yaalla ee Bulgaria oo xad la leh waddamada Giriigga iyo Turkiga oo ah meelaha ay tahriibayaashu uga sii gudbaan dalalka Galbeedka Yurub.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in arintani ay tahay musiibo aan la filayn oo quluubta dadka taabatay. “Waan u duceynaynaa dadkii ay musiibadu ku dhacday iyo qaraabadooduba,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Ingiriisku.

Hay’adda Dambi baadhista Ingiriiska ayaa sheegtay inay saraakiil ka qeyb qaata baadhitaanka u direen goobta laga helay. Dhanka kale afhayeen u hadlay booliska Bulgaria ayaa xaqiijiyay inay ka waraqabaan dhacdada.

Bishii June ee sannadkii 2000, ugu yaraan 58 muhaajiriin u dhashay dalka Shiinaha ayaa laga helay gaadhi xamuul ah gudaha dalka Ingriiska.