Eng Faysal Cali Waraabe oo mar kale ku baaqay hirgelinta Sharci ka dhan ah Ololaha Somaliweyn

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci-dejinta Somaliland ugu baaqay in sharci dhaqan-gal noqda laga soo saaro dadka u ololeeya arrimaha Somaliweyn.

Faysal Cali Waraabe oo daba-socda olole iyo dhaqaaq muddooyinkii u dambeeyey ka socda magalaada Muqdisho oo lagu sheegay in lagu dhisayo Guddi soo xulaysa xubno metelaya Somaliland oo ka mid noqonaya Doorashada Aqalka sare iyo ka hoose ee Soomaliya, waxa uu sheegay inaanay suurtagal ahayn in magaalada Muqdisho lagu dhiso guddi metelaysa Somaliland.

Guddoomiyaha oo Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa marar kala duwan xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dejinta ugu baaqay in ay sharci kasoo saaraan dadka xilalka u doonta dowladda Soomaaliya.

Advertisement

“Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960-kii, waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinkaSomaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey munaasibad ay xilalka kula kala wareegeen Shir-guddoonka cusub iyo shir-guddoonkii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland.

“Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyadda in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladdu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa,” ayuu ugu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ugu baaqay Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On