Eng Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Saamayn ka Dhalan karta Dagaalka Ka Socda Ethiopia

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda dalka Ethiopia, kaas oo uu sheegay inuu saamayn xooggan ku yeelan karo mandaqadda haddii aan la joojin.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu baaqyo kala duwan oo arrintan ku saabsan u diray madaxda dalka Ethiopia, gaar ahaan Raysalwasaaraha Ethiopia iyo Shacabka Somaliland oo uu ku boorrayiyey inay u diyaar-garoobaan saamaynta arrintan ka dhalan karta. 

Guddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed inuu joojiyo dagaalka oo uu dhego-nuglaado baaqyada nabadeed ee beesha Caalamka, isagoo tilmaamay inaanay is-qabanin biladda nabadeed ee lagu sharfay iyo xoog ku muquuninta Shacabkiisa.

“Waxa muuqata dagaalka Ethiopia ka socda inuu yahay dagaal fidi doona, oo aan ku ekaanayn waqooyiga Ethiopia ee deegaanka Tigrayga, sida uu sheegay ama uu qababa Raysal Wasaaraha Ethiopia. Dagaalkaasi hadaan la xakamayn oo inta goori goor tahay aan la joojin geeska oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelanayaa. Markaa inaga oo ah Jamhuuriyada Somaliland oo Geeska kaga naala meel halbowle ah, waxa weeyi inaynu mawqifkeena u sheegno oo talo wixii aynu hayno bixinno.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in loo diyaar-garoobo saamayn kasta oo ka dhalan karta dagaalkaas oo uu tilmaamay inaanu ku koobnaan doonin meesha uu hadda ka socdo, balse uu saamayn ku yeelan doono mandaqadda.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka guddoomiyaha Xisbiga UCID

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net