Eng Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu colaad aan joogsi lahayn ku hayo Somaliland, waxaanu xukuumadda iyo shacbiga ku booriyey in lagu baraarugsanaado dagaalkaas.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in marka laga yimaaddo dagaallada siyaasadeed ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku hayo Somaliland uu sidoo kale Cadaawaddiisa uu u soo adeegsado maamulka Puntland oo weerarro milatari oo ka dhan ah Somaliland ka sameeya goboladda Bariga, gaar ahaan Bariga gobolka Sool.

Advertisement

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku gooddiyey in Somaliland ay taas bedelkeedda ku dedaalayso sidii Farmaajo dagaal ula geli lahayd, isla markaana ay Muqdisho kaga abuuri lahayd kicin shacab iyo taageerooyin ay ka kasbato siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Farmaajo.

Guddoomiyaha Xisbiga oo hadal ka jeediyey munaasibad loo qabtay arday ka qalin-jabisay jaamacadda Admas, waxa uu dhinaca eedo u jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiyiinta kale ee dalka oo uu ku dhaliilay inaanayku baraarugsanayn cadaawadda Farmaajo, taas beddelkeedana ay ku mashquulsan yihiin arrimo gudaha ah oo aan macno badan lahayn.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

 

Advertisement