Ehud Olmert Raysalwasaarahii Hore Ee Israa’il Oo Xabsi Lagu Xukumay Hada Galaaya

Israel(SLpost)-Ehud Olmert ayaa bilaabay 19 bilood oo xabsi ah, isagoo noqday ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee Israel ee gala xabis.

ffff

Olmert ayaa laguy xukumay lix sano oo xarig ah 2014-kii kadib markii lagu helay danbi inuu qaatay lacag musuqmaasuq ah markuu ahaa duqa magaalada Jerusalem.

Kadib markuu qaatay racfaan, xariga ayaa laga dhigay 18 bilood, laakiin bil kale ayaa lagu daray toddobaadkii hore kadib markii uu qirtay inuu isku dayay inuu hor is taago xoghayn marqaati ka bixin lahayd maxkamada.

Video ayuu Isniintii ku sheegay inuusan lahayn danbiga loo haysto ee musuqmaasuqa.

Olmert oo ahaa ra’iisal wasaaraha Israel 2006-2009-kii, ayaa hadlay ka hor intaan la gayn xabsiga Maasiyahu ee magaalada Ramle ee bartamaha Israel.

Bishii March 2014 ayaa lagu helay danbi inuu lacag ka qaatay mashruuc guryo lagu dhisayay markuu ahaa duqa magaalada Jerusalem.