Ehelka Cali Khaliif Galeydh oo Dalbaday in Baadhitaan kale lagu Sameeyo Sababta Geeridiisa

Marxuum Cali Khaliif Galeydh

 

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka mid ah Qoyska Allaha u naxariistee Prof Cali Khaliif Galeydh, ayaa codsaday in mar kale baadhitaan lagu sameeyo sababta keentay geerida Marxuumka.

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Guddi madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia u saaray sababta geeridiisa, ayaa sheegay inay baadhitaan ay ku sameeyeen ku ogaadeen in marxuum Cali Khaliif Galeydh u geeriyooday Xannuunka Covid-19.

Haseyeeshee, xubno ka mid ah ehelka marxuumka, ayaa muujiyey dareen ah inaanay ku qanacsanayn natiijada baadhitaanka lagu sameeyey iyo sababta la sheegay inuu u geeryooday, waxaanay codsadeen in mar kale baadhitaan lagu sameeyo.

Marxuum Cali Khaliif Galeydh

“Anaga ayaa codsaneyna in naloo baadho. Baadhitaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaato ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” sidaa waxa yidhi Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday, balse aanay rumaysanayn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa oo sheegay oo yidhi ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’. Cuntadu maxay ahayd? Xaggee ka cunay? Arrintaa ma aanan gelin, markaa arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.” ayuu yidhi Mukhtaar.

“Waa naloo sheegay inuu Covid-19 u geeriyooday, laakiin annagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha.” Sidaas ayuu yidhi Mukhtaar oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

Somalilandpost.net