Duufaanno Siyaasadeed oo ka dhex hillaacay Golaha Wakiillada iyo Mudaneyaasha Mucaaradka iyo kuwa Muxaafadka ah oo Mooshinno Maamuus ka xayuubin ah Isugu hanjabay

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Xisbiga talada haya ee KULMIYE ee xukuumadda taageera iyo Xildhibaannada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI taageera ee Golaha Wakiillada Somaliland ka wada tirsan, ayaa khilaaf soo laba-kacleeyey ka dhex-curtay, isla markaana waxay Muxaafidku ku hanjabeen inay Mooshin Maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiyaha Wakiillada ah soo dhigi doonaan haddii la furo Golaha, halka ay Mudanayaasha Mucaaradkuna ku hanjabeen Mooshinkaas oo kale oo ka dhan ah Madaxweynaha inay keeni doonaan.

Duufaanno Siyaasadeed oo ka dhex hillaacay Golaha Wakiillada iyo Mudaneyaasha Mucaaradka iyo kuwa Muxaafadka ah oo Mooshinno Maamuus ka xayuubin ah Isugu hanjabayKhilaafkan ayaa soo baxay ka dib markii ay Mudanayaasha Muxaafidku maanta gelinkii hore Shir Jaraa’id ku qabteen Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, isla markaana ku caddeeyeen inay Golaha Guurtida u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xeerka diiwaangelinta oo Guurtida loo gudbiyey, ka dib markii ay Wakiilladu ansixiyeen, kaasoo ay ku doodayaan in qodobbo dheeraad ah oo kuwii Wakiilladu aqlabiyadda ku ansixiyeen aan ahayn uu ku daray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaase eedayntaas si dadban u deedifeeyey Xildhibaannada Mucaaradka ah.

HALKAN KA DAAWO

HALKAN KA DAAWO