Dufcaddii 15aad oo Inta ay Bogsadeen, waxna La Baray oo Ka Aflaxay Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Cusbitaalka SAHAN oo lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, waxa dhawaan lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore goobta loo geeyay.

Xarunta SAHAN oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana looga kala yimaaddo dalalka Bariga Afrika iyo Caalamkaba, waxa Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka, Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.

Iyadoo Sannad kasta ay Cusbitaalka Sahan Caafimaad ka helaan dad tiro badan oo bulshada dib ugu noqda iyagoo la baray xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagi karaan, waxa xarunta Cusbitaalka munaasibad qalin-jabin ah loogu qabtay dufcaddii 15aad ee inta ay bogsadeen, la baray Xirfado kala duwan.

Advertisement

Munaasibadda Qalin-jebinta waxa ka qayb-galay Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madax-dhaqameed, Waalidiin iyo Maamulka Xarunta Sahan Mental Hospital.
Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Cusbitaalka Sahan Bashiir Maxamed Jaamac iyo Kayse Xasan Cumar Oo ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay.

Xubno ka mid ah waalidiinta iyo Qoysaska Dadka Xarunta ku jira oo munaasibadda ka hadlay, ayaa maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada xaruntan lagu daryeello Dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaanay ku baaqeen in xukuumadda iyo bulshaduba taageero ku garab-istaagaan Cusbitaalka Sahan.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-habaynta Shuruucda Prof Maxamuud Xuseen Faarax, Guddoomiye ku-xigeekii hore ee Golaha Wakiillada Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo munaasibadda ka hadlay, ayaa Cusbitaalka Sahan iyo maamulkiisa ku bogaadiyey hawsha ay Bulshada u hayaan.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Agaasimaha Waaxda Dhimirka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr Mustafe Maxamed Axmed, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mroodijeex, iyo dhakhaatiirta ka hawl-gasha Cusbitaalka Sahan oo kala ah Dr Ayaanle Saleebaan Hagoog, Dr Ibraahim Nuur Caqli iyo Dr Cabdifataax Maxamed Ibraahim.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa ka hadlay, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Liibaan Ismaaciil Buraale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Suldaan Aadan, Xoghayaha Gobolka Maroodijeex, ayaa bogaadiyey ardayda loo qabtay xafladda iyo maamulka Cusbitaalka Sahan oo ay ku ammaaneen culayska masuuliyadda ay Bulshada u hayaan.

Ugu dambayntii, waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda cusbitaalka ka najaxday oo munaasibadda ka sheegay waxtarka ay ka heleen Cusbitaalka Sahan, waxaanay si gaar ah u bogaadiyeen Hawl-wadeennada ka hawl-gala Cusbitaalka oo ay Xuseen inay kala kulmeen hab-dhaqan iyo daryaal suubban muddadii ay ku sugnaayeen.

Advertisement