Dufcadda 10aad ee ka Qalin-jabisa Jaamacadda GOLLIS oo kulmisay 790 Arday oo Dhammaystay Waxbarashada Toban Kulliyadood (DAAWO SAWIRRO)

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaadooyin Guddoonsiiyey Arday iyo Shakhsiyaad Jaamacaddu ku maamuustay Shahaado-sharafyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qayb-galay munaasibad qalin-jabin ah oo maanta loo qabtay 790 Arday oo wax ka bartay Kulliyadaha kala duwan, kuwaas oo noqonaya dufcaddii tobnaad ee ka qalin-jabiya Jaamacada Gollis ee magaalada Hargeysa.

Ardaydan oo wax ka baratay toban Kulliyadood oo ka mid ah 13 kulliyadood oo Jaamcaddu ka kooban tahay, waxa munaasibadda qalinjabintooda oo si heersare ah loo soo agaasimay lagu qabtay qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka sokow madaxweynaha ka soo qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrrada, Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

GOLIS (38)Guddoomiye ku-xigeeka Jaamacadda Gollis Caydaruus Maxamed Abiib oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka, ayaa sheegay inay yihiin ardaydii ugu tirada badnayd ee mar kaliya ka qalin-jabiya Jaamacadda. “Waa ardaydii ugu badnayd ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Gollis oo ah 790 Arday, maanta Qaranka Somaliland waxa ku soo biiray 790 Aqoonyahan oo ah mid lagu quwaynayo Aqoonta dalka,” ayuu yidhi Caydaruus Maxamed Abiib.

Mar uu sharraxayey tirada iyo noocyada kulliyadaha ay ka qalin-jabiyeen ardaydu waxa uu yidhi, “Haddii aan xuso kuliyadaha halkan fadhiya oo aan rejaynayo inay wax wayn u soo kordhin doonaan waddanka, waxa maanta  qalin-jabinaya waddankeenna oo markii u horeysay Degree qaadanaya kulliyadda Xanaanada Xoolaha; laf-dhabarta waddankeennu waa Xoolaha Nool, anagoo taa ka duulayna ayaanu soo saarnay ciddii u adeegi layd. Waxa kale oo qalin-jabiyey Kuliyadaha Public Health, Computer Engineering, ICT, Agriculture, Education, Management, Science & Economic, Sharia & Islamic Study iyo Civil Engineering.”

GOLIS (37)Waxa kale oo halkaas khudbado kala duwan ka jeediyey Hoggaannada Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Gollis oo mid waliba sharraxaad ka bixiyey tirada Ardayda ka qalin-jabisay Kulliyadda uu madaxa ka yahay, waxaanay ku boorriyeen ardayda inay aqoontooda sii wataan inta uga dhiman ee ay ka gaadhi karaan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Gollis oo ka Khudbad dhinayo badan taabanaysa madasha ka jeediyey, ayaa ku dheeraday kaalinta Jaamaddu kaga jirto waxbarashada sare ee dalka, waxaanu xusay inay Jaamacadda Gollis ka furan tahay magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo, kuwaas oo uu sheegay inay maalmaha soo socda ay ka qalin-jabin doonaan arday tiro-badan, waxaanu Madaxweynaha uga mahad-celiyey dhiirri-gelinta uu u muujiyo ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha. Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo Maayarka magaalada Hargeysa oo hadallo kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa ku dhiirri-geliyey Ardayda qalin-jabisay inay dalkooda ku anfacaan cilmiga Aqoonta ay barteen isla markaana, iyaga oo dhammaantood iska daba-maray bogaadin iyo hambalyo ay u jeediyeen maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Gollis oo ay ku tilmaameen inay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarinta waxbarashada dalka.

GOLIS (26)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland MdAxmed Maxamed Maxamuud oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa; “Waxaan halkan Hambalyo iyo bogaaadin uga soo jeedinayaa Ardaydan faraha badan leh iyaga iyo macalimiintoodii iyo waalidkoodii. Hadii aan ahay madaxwaynihii dalka Somaliland waxaan idiin sheegayaa inaan umad ahaan marwalba ku farxayno heerka ay dhalinyarada iyo Jaamaduhu gaadhayaan, magaca iyo sharafta ay dalka u soo hooyaan, Hambalyo aad u balaadhan baan idiin soo jeediyaa, waxaan idiin rejaynayaa inaad noqotaan Aqoonyahankii iyo madaxdii mustaqbalka ee waddankan,” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland.

Gebo-gabadii waxa halkaasi Shahaado sharaf Jaamacaddu ugu talo-gashay lagu guddoonsiiyey Madaxwaynaha Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, shirkadaha iyo ganacsada dalka qaarkood oo madaxweynuhu guddoonsiiyey shahaado-sharafyo jaamacaddu ku maamuustay.

Waxa kale oo halkaas shahaadooyinkooda lagu guddoonsiiyey ardayda Dhammaystay kulliyadaha jaamacadda, kuwaas oo qaarkood shahaadooyinkooda uu madaxweynuhu gacanta ka saaray.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net