Dublomaasi Maraykanka ah Oo Su’aal geliyey Kalsoonida Dowladnimada Soomaaliya

Washington (SLpost)- Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey dalalka Ethiopia iyo Guinea, Tibor Peter Nagy, ayaa su’aal geliyey sawirka ay Soomaaliya maanta lahaan lahayd haddii aanay ku tiirsanayn mucaawimada beesha Caalamka.

Dublomaasigan oo sidoo kale soo noqday kaaliyaha xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, ayaa qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyey bartiisa X, waxa uu wax iska weydiiyey qaab-dhismeedka Somalia maanta yeelan lahayd haddii aanay haysan taageerada beesha caalamka oo taas beddelkeeda ay iskeed isugu filnaan lahayd sida ay Somaliland uga maarantay caawimada beesha caalamka

“Waxaan la yaabanahay qaabka ay maanta Somaliya ahaan lahayd haddii aanay ka faa’iidaysan ballaayiinka dollar ee beesha caalamku siinaysay tobanaanka sanno taas badalkeedana ay iyagu iskood u samaysan lahaayeen sidii ay Somaliland isugu filnaatay,” ayuu Tibor Nagy qoraalkiisa ku sheegay.

“Somaliland iyadaa iskeed isugu filnaatay, halkay Somaliya ku tiirsan tahay gacan-qabasho”, sidaas ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy.

Isbar-bardhigga Dublomaasigani ku sameeyey sida ay u kala fogyihiin dhismaha tayada dowladnimo ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn caalamka looga hadal-hayo heshiiska iskaashi ee dhawaan ay kala saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Somaliandpost.net