Dublomaasi Maraykan Ah Oo Soo Dhaweeyay Xadhigga Kornayl Tuke Oo Xasuuq Ka Geystay Somaliland

Washington (SLpost) – Dublomaasi Caan ah oo Maraykan ah, ayaa ka hadlay xadhigga Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidammada Miletariga Somaliya ee xilligii Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre ee dhibatada u geystay Shacabka Somaliland.

Ciidammada Amaanka ee gudaha Dalka Maraykanka, ayaa Toddobaadkan Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ku xidhay Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo sanadihii 80-maadkii Falal Xuquuqda aadamaha lid ku ah ka geystay degmada Gabiley ee Somaliland, ka dib markii uu dacweeyay Muwaadin reer Somaliland ah oo uu toogasho iyo jidh-dil ugu geystay Gabiley.

Xadhiggan ayaa waxa hadlay isla-markaana soo dhaweeyay Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. Peter J. Pham.

Dr J. Peter Pham

Ambassador Pham oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in xadhigga Kornayl Tuke oo Taksi kaga shaqaynayey Maraykanku ay farxad u tahay dadka reer Somaliland ee dhibbaneyaasha u noqday Tacadiyadii Taliskii kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre.

Ambassador Pham oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “War Wanaagsan bay u tahay Dadkii reer Somaliland ee uu xasuuqay Taliskii Siyaad Barre, xadhigga mid ka mid ah kuwii jidh-dilka geystay, kaasi oo ah Yuusuf Cabdi Cali (Tuke), kaasi oo mar ahaa Taliyihii Guutada 5aad ee ciidanka Soomaaliya..”

Dr. J. Petter Pham wuxuu sheegay in Tuke oo ku shaqaysanayey Tagaasida loo yaqaano (Uber) la xidhay isla-markaana laga qabtay duleedka Magaalada Washingon DC.

“Tuke waxa loo haystaa jidh-dil uu ka geystay Somaliland,” ayuu yidhi Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net