Dubai: Weftiga Xukuumadda Iyo DP World Halkay Isla Marayaan, Miyay Iskhilaafeen Mise…?

 

Dubai  (SL.Post) Weftigii ka koobnaa Xubnaha golaha Wasiirada una Xilsaarnaa heshiiska Somaliland iyo Shirkada caalamiga ah ee DP World oo maalmahanba ku sugnaa imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai, ayaa ka war bixiyey hawlihii shaqo ee ay u tageen halkaas iyo halka ay wax u marayaan wakhtigan, isla markaana waxa hadal muuqaal ah oo amuurtaa la xidhiidha soo saaray  Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Shoombe oo ku hadlayay magaca weftigaa, hadalkiisa oo madaxtooyadu u soo gudbisay warbaahintana wuxuu u dhignaa sidan;

 

timthumb

 

“Waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maanta(shalay) oo ay taariikhdu tahay 03/09/2016, in aanu beryahanba ku sugnayn Dubai, waana taan doonayo in aan idinla socodsiiyo warbixina idinka siiyo, halka ay noo marayso hawshii aanu u joognay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, annagoo ah wefti ka kooban wasiiro ahna guddidii dekeda Berbera ee la munaqashoonaysay shirkada Dubai Port World.

 

Waxa aanu beryahanba ku sugnayn magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, annagoo u joognay gebegebaynta heshiiskii baarlamankuna dhawaanta ansixiyey, ujeedada aanu u joognaana  tahay, mabaadiida guud waa tii baarlamaanku ansixiyay oo waa laysla ogol yahay ee farsamo yaqaanadda iyo hadday tahay garyaqaanadii kale ee caalamiga ahaa iyo hadday tahay la-taliyeyaashii kale ee aanu qabanay iyo garyaqaanadoodu ay faah-faahintii ku jiraan, layslana meel dhigayey wixii la qoraayay iyo sidii loo qori lahaa, heshiiskiina uu noo marayo marka xaqiiqda loo noqdo meel aad u qurux badan oo aad mooddo in aanu islaba garanayno waxyaalo badan oo guuli labada dhinacba ugu jirto. Innaga mabda’eena guud wuxuu ahaa horumarka dalka iyo sidii aynu u abuuri lahayn shaqo, iyadoo aynu ilaalinayno sumcada iyo magaca ummadda reer Somaliland, heshiiska sida aad la socotaan wuxuu ahaa heshiis caalamiya, heshiiskii ugu weynaa ee wixii ka dambeeyey 1991kii markii Burco lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland, qodobkii labaad ee inoo soo xigay wuxuu ahaa heshiiska aynu dubai World aynu la galnay.

 

 

Ugu dambayn waxan doonayaa in aan idinla socod siiyo inuu gebegebo marayo dhawaana aanu soo afjari doono, iyadoo aanu ku guulaysan doono Insha Allaahu Bi-idmilaahi kariim, In aanu saxeexno heshiiskii kama dambaysta ahaa, wakhtiyada dhaw ee inagu soo haya fooda, ilaa iyo hadana wax carqalad ah oo naga horyimid aanu jirin, kooxdayadii wada socotayna aanaan kala faraaro lahayn (Kala qaybsamin) ee aanu nahay sidii aanu idinkaga soo dhoofnay ee aanu baarlamaanka hortiisa ku joognay aanu dad mida, mabda keliya leh, ujeedo keliya leh, kuna socda qorshaha, dhaqaalaha, iyo siyaasada uu nagu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxanan idin rajaynayaa oon idin balan qaadayaa in dhawaan aad maqli doontaan war farxad leh oo aanu ku soo gebagebayno heshiiskaas, waanad salaaman tihiin dhammaantiinba Shacbiga Somaliland meel aad joogtaanba guddo iyo dibedba.” Sidaa ayuu yidhi  Wasiir Cali Shoombe.

 

 

Warkaa weftiga ka sokow waxa maalmahanba shabakadaha internetka qaarkood iyo baraha bulshada ee internetka laysugu gudbinayay warar sheegaya in labada dhinac weftiga iyo DP World khilaaf kala dhex galay, isla markaana uu khilaafkaasi saameeyay weftiga somaliland laftiisa. Waxa kale oo wararkaa dhawaaqa weftiga ka hor la faafiyay tilmaamayeen in dhinaca DP World ay waydiiyeen weftiga somaliland Maareeyihii hore ee Cali Xoorxoorr, qaar kale oo wararkaa laysla dhex marayay ka mid ahaana waxay tusmaynayeen in laysla fahmi waayay waxyaabo farsamo ahaan heshiiska ku saabsan,isla markaana ay taasi sababtay hakad ku yimi soo laabashadii weftiga oo markii hore la saadaalinayay inay soo laabtaan axada maanta. Inkastoo aan la xaqiijin jiritaanka wararkaa haddana hadalka wasiirka laftiisu wuxuu u dhadhamayaa mid jawaab u ah wararkaa la faafiyay.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Soucre Ogaal