Dr. Sacad Cali Shire oo Ka Waramay Safarka uu ku Joogo Jabuuti iyo Booqashadiisa Safaaradda Somaliland ku Leedahay Dalkaas

 

Djibouti(SLpost)-Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire oo uu wehelinayo wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo safar shaqo ku jooga Djibouti ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti ee jaarka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf waxaannay labada masuul ka wada hadleen sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee jaarka iyo saaxiibka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo kulankaas kadib warbaahinta ugu waramay xarunta Safaaradda Somaliland ee Djibouti ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaranayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiga guud. Waxa sidoo kale, wasiirku sheegay in safarkiisa Djibouti uu qayb ka ahaa dardargelinta hawlaha labada safaaradood oo dib u habayn iyo is bedel weyn lagu sameeyay.

Muuqaal:

 

Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti Mudane Maxamed Warsame Cali ayaa isaguna uga mahadceliyay dawladda Djibouti soo dhawaynta wasiirka iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa kale oo uu Danjiruhu ka hadlay in mudadii uu xilka hayay ay safaaraddu is bedel weyn samaysay oo sida uu Wasiirku xadhiga ka jaray ay haatan si rasmi ah oo dhamaystiran hawshooda u bilaabeen.

Xogyahaya Koowaad ee Safaaradda Somaliland ee Djibouti Mudane Axmed Aden Suge oo  isagu warbaahinta u faahfaahiyay waxqabadka safaaradda iyo sida dib u habaynta loogu sameeyay ayaa sheegay in safaaraddu hore ugu shaqayn jirtay hal xafiis oo kaliya balse ay haatan leeyihiin 8 xafiis oo si dhamaystiran u qalabaysan, 3 gaadiid ah oo laba cusubyihiin iyo guriga martida loo sameeyay oo isaguna si heer sare ah u goglan. Xoghuhu wuxu tilmaamay Danjiraha Safaaradda Mudane Maxamed Cali Warsame uu dardar dheeraad ah iyo firfircooni shaqo u la yimi, waxqabad weynna la muujiyay mudadii uu xilka hayay iyadoo la kaashanayo dawladda Djibouti, jaalliyadda Somaliland ee Djiboui iyo Wasaaraddaba.

 

 

Somaliladpost.net