Dr Maxamed Xaaji Cali oo Sheegtay in Looga Tanaasulay Musharaxnimada Madaxweyne-xigeen ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa(SLpost)- Munaasibad aad u bilan oo dhammaanba siyaasiyiinta hanka uu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI ay ugaga tanaasulayeen Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotel Safari ee magaalada Hargeysa.

Waxaana madashan ka soo qeyb-galay Murashaxa jagada madaxweyne xigeen ee loogga tanaasulay tartanka golaha dhaxe ee xisbigaasi Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, siyaasiyiinta u tanaasulay oo uu horkacaayo Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec, Siyaasiga weyn ee Xasan Codyare, wasiiro hore uga tirsanaan jiray xukuumaddii Daahir Riyaale, Danjireyaal, Madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyna waxa madashaasi ka hadlay, guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec oo hore uu han uga hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, waxaana uu halkaas isaga oo horkacaaya siyaasiyiin kale oo aad u tira badan oo iyagana han ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbigaasi, uu ku dhawaaqay in ay u tanaasuleen murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Xaaji Cali.

“Haddii aydaan kuwiina yar yari ogeyn, dalkan aynu joognaa tanaasul ayuu ku dhismay, waxaana farxad weyn ii ah in caawa(xalay) aan walaalkay Dr.Maxamed Cali uga tanaasulo Murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, waxaan aan doonayaa in aynu dhammaanteenba isku duubnaano illaa inta ayu xisbiga WADDANI gaadhsiinayno kursiga ugu sarreeya talada dalka Somaliland.”.

Suldaanka guud ee goballada galbeedka Somaliland Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in baarqubba hanku uu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI ee iyagu garteen in ay isu tanaasulaan si aan culays badan u fuulin xisbiga WADDANI, waxaana uu siyaasiyiintii tanaasulay uu ku ammaanay dariiqa fiican ee ay u jeexeen guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay caawa raggii uu damacu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, ay isu tanaasuleen, xisbiga WADDANI dhexdiisa dhib weyn ayaan ka furateen iyo weliba annaga ka madax-dhaqameed ahaan oo xulistiinu ay saamayn nagu yeelan lahayd. Raggii tanaasulay ee aadka u badnaa aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin, waana ay ku ammaanan yihiin dariiqa tolmoon ee ay u jeexeen da’yarta dambe iyo guud ahaanba qaranka Somaliland. Ninka loo tanaasulayna duco iyo talaba waa aynu la barbar istaagaynaa, haddii Alle idmo.”.Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta tanaasulay, iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo isagu jira aqoonyahan iyo wax-garad oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda dhammaantoodba sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan ay qaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda goballada galbeedka Somaliland, waxaana ay tilmaameen in kaliya midnimadu ay tahay dariiqa qudha ee lagu gaadhi karo guusha, iyaga oo murashaxa loo tanaasulay u soo jeediyey in uu ka shaqeeyo midnimada goballada Awdal iyo sida oo kale ta guud ahaaneed ee qaranka Somaliland.

Diblomaasi-sare/ Dr.Maxamed Cali oo ah murashaxa loo tanaasulay, ayaa isna dhankiisa si weyn ugu mahad-naqay siyaasiyiinta u tanaasulay, waxaana uu tilmaamay in ay farxad weyn u tahay oo aanu weligeedna ilaawi karin abaalkeeda.

“Farxadweyn ayey ii tahay in caawa walaalkay uu caawa ii tanaasulo, dadkuna wakhtiyo badan ayey farxaan, caawa farxad gaar ayey ii tahay aniga, marka haddii Kubad la wada ciyaaro waa la kala badiyaa, inaadeerkay Qaasim-na waa uu iga badiyey, oo waa kaas abaal igashaday, anna weligay ma illaawi doonno haddii Alle idmo Insha Allah.”.

Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa ah khabiir ku xeel arrimaha siyaasadda arrimaha dibadda iyo sida oo kale xidhiidhada caalamiga ah, waxaana uu hore safiiro uga soo noqday dalalka Holand iyo Biljam-ka, isaga oo sida oo kalena bare sare uga soo noqday dalalka Mareykanka iyo Kanada.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

 

https://www.youtube.com/watch?v=JM_I4gGpEBs